Wasiirka arrimaha gudaha dowlada KMG Somaliya faahfaahin ka bixiyay sababta xildhibaanada loogu diiday in ay u dhoofaan Kenya.

Halkaan ka akhri

Md. C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo ah Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda KMG Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta keentay in qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka laga hor istaagay safar ay dalka uga dhoofi lahaayeen, kaddib Wasaaradda arrimaha Gudaha amar ku bixisay in Xildhibaanadaasi laga reebo u diyaaradii qaadi lahayd magaalada Nairobi ee wadanka Kenya si ay uga qeyb galaan shir halkaasi uga furmaya Xildhibaanadaasi oo intooda badan ahaa guddiga doorashada.

Wasiirka wuxuu sheegay Is hortaagga ay Dowladda KMG ahi ku sameysay socdaalka Mudanayaash

a guddiga doorashada Baarlamaanka, ay tahay in guddigaasi uu yahay mid aan waafaqsaneyn dastuurka dalka u yaalla, isla markaana uu magacaabay shaqsi Baarlamaankuna ansixinin jiritaankooda.

Md. C/Shakuur oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Xildhibaanada safarka laga joojiyay waxay sheegteen guddi aan sharci ahayn oo u socday arrimo khatar ku ah amniga dalka” dhinaca kale Wasiirku wuxuu intaa uu raaciyey in haddiiba ay jiraan tacadiyada ay sheeganayaan Xildhibaanada la xanibay in loogu geystay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ay la xiriiraan hay’adihii arrintaasi ku lugta lahaa.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Dowladda KMG ah wuxuu si caddaan ah u sheegay inuu xil ka saaran yahay amniga wadanka, sidaasi daraadeedna Wasaaradiisu ay gudatay waajibaadkeeda, isagoona sheegay in guddigaasi Xildhibaanada ah aanu waafaqsaneyn sharciga dalka u yaala.

Si kasta ha u dhacdee arrintu Wasiirka wuxuu ku adkeystay ee uu yiri: “Waa guddi aan waafaqsaneyn nidaamkii sharciga ahaa, sidaas ayayna ku muteysteen in laga joojiyo safar ay dalka uga dhoofi lahaayeen” wuxuuna sheegay in guddiyada Baarlamaanka ay badan yihiin isla markaana ay si wanaagsan ula shaqeeyaan, balse waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada guddiga doorashada sheegtay ay

yihiin kuwo uu magacaabay shaqsi oo aanay ahayn kuwo sharci ah.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: