Waa sidee xaalada magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Waxaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya dagaalo xoogan oo u dhexmaray Xarakada Alshabaab & Ciidamada dawlada oo kaashanaya Amisom, waxaana dagaaladaasi ahayeen kuwo sababay khasaare xoogan oo u inta badan soo gaaray dhinacyadii dagaalamayey.

Sida lagu soo warramay dagaalada xoogiisu wuxuu xalay ka dhaceen xaafado ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana dagaaladaasi ahayeen kuwo xoogan oo sababay khasaare soo gaarey dad shacab ah, inkastoo inta badan khasaaruhu u badnaa dhinacyada dagaalamayey.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in khasaaraha dadka shacabka ah soo gaaray ayaa la sheegey inuu ahaa geerida 3-qof, waxaana dhaawaca dadka shacabka ah oo tiradoodu  gaarayso ilaa 5 kale, kuwaasi oo saaka markii waaberigii la geeyey Isbitaalada magaalada Muqdisho si dhaawacyadooda loogu dhayo.

Dhanka kale dagaaladan ayaa yimid ka dib markii Xarakada ALshabaab dulaan gaadmo ah ku soo qaadeen farisimo ciidamada dawladu ku leeyihiin degmooyinka Hodan,waxaana halkaas ka dhacay dagaalo khasaare nafeed sababay kaasoo u badnaa dhinacyadii dagaalamayey, inkastoo aan la ogeyn inta uu khasaaruhu la eeg yahay.

Hase yeeshee xaalada saaka ayaa ahayd mid xasiloon inkastoo aysan xasiloonida hadda jirta tahay mida aan la isku halayn karin, maadama ay kooxaha dagaalamaya isku hor fadhiyaan xaafadaha qaarkood lagana cabsi qabo inay mar kale ay goobahaas ku dagaalamaan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: