Halkaan ka akhri
Ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howl Qaran ku joogo magaalada New York isagoo ka qeyb galayo kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya, Kulankaas oo lagu wadaa inuu dhaco maalinta Arbacada ah ee 11ka May 2011.Â
Waxaa lagu soo warramayaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu shalay Isniinta aheyd la kulmay Ergada Joogtada ah ee Qaramada Midoobey ee dalalka India, Russia, Brazil, Germany iyo Lebanon oo dhammaantood ka mid ah 15ka dal ee xubin ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu maanta Talaadada ahna ay u qorsheysan tahay inuu la kulmo dalalka kale ee xubin ka ah Golaha Ammaanka QM, sida UK, South Africa, France, Colombia, China, USA iyo wadamada kale.
Sida la sheegay ujeedada ka danbeyso kulamadan ayaa ah in dalaka Golaha Ammaanka ee QM xubin ka ah in laga dhaadhiciyo xaalada dalka iyo sida looga bixi karo marxalladan kala guurka ah, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey mas’uuliyiintii uu la kulmay, sida uu Golaha Ammaanka ee QM mudnaanta u siinayo arrimaha Soomaaliya.
Maadaama Qaramada Midoobay ay u daneynayso arrimaha Soomaaliya ayaa wuxuu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu warbixin kooban siiyey dhammaan mas’uuliyiintii uu la kulmay, iyo sida ugu habboon ee looga bixi karo marxallada kala guurka ah bacdamaa uu waqtigii hay’adaha dastuurka ah dhammaanayo August 2011, ilaa iyo haddana aysan jirin go’aan ay hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda FKMG ah ku mideysan yihiin.
Sida la wada ogsoon yahay Ra’iisul Wasaare Farmaajo ayaa aaminsan in xalka ugu habboon uu yahay in Soomaalida ay iyaga dhexdooda ka wada hadlaan lana yimaadaan go’aan mideysan oo ay danta shacabka ku jirto.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay mas’uuliyiintii uu la kulmay in Xukuumadda ay guddi heer wasiir ah u saartay inay la kulmaan Baarlamaanka si looga wada hadlo mowqif mideysan oo ay danta shacabka ku jirto.
Hase yeeshee warar ayaa sheegaya in Golaha Ammaanka ee QM  lagu wadaa inay dalal Afrika ka tirsan socdaal shaqo, ay imaan doonaan magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya  21ka May 2011, balse kulanka Berri dhici doono xarunta Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu wado in diiradda lagu saaro arrimaha Somalia iyo sida xal loogu heli karo xilliga kala guurka ah.
SomaliSwiss New York
Related articles
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Dowladda KMG ah oo xabsiga dhigtay Maxamad Dheere iyo 5 qof oo kale. (somaliswiss.wordpress.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- Xaflad weyn oo lagu sagootinayay maamulka iyo madaxda dowlad goboleedka Hiiraan & Midland STATE oo xalay ka dhacday magaalada London. (somaliswisstv.com)
- Saraakaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo sheegay in hogaamiyihii Al-Qacida uu qoorsheynayey in weraro laga fuliyo Soomaaliya iyo Wadamo kale.(somaliswisstv.com)
Filed under: New York |
You must be logged in to post a comment.