Madaxweyne Sh. Shariif oo ku tilmaamay gudiga doorashooyinka musiiba cusub oo dalka u horseedi karta burbur kale.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa wuxuu  masiibo ku tilmaamay gudiyo uu ka mid yahay gudiga doorashooyinka Soomaaliya ee uu magacaabay Gudoomiyaha Barlamanka, kaasi oo uu sheegay madaxweynaha in uusan sharciyeeysaneyn,  islamarkaana uu soo wado waxyaabo aan sharci aheeyn oo dalku u herseeda burbur kale.

Madaxweyne Sheikh Shariif  oo soo hadal qaaday khilaafka ka dhaxeeya madaxda iyo hay’adaha dowladda ayaa waxa uu sheegay in khilaafkaasi uu saameyn ku yeelan karo xiliga kala guurka, wuxuuna  ku baaqay si looga gudbo arintaasi waxaa lagama maarmaan  ah in la gaaro heshiis siyaasadeed,hase ahaatee wuxuu musiibadaas ku eedeeyay Barlamaanka KMG Sooaaliya, sheegayna inuu baal maray Sharciyada u degsan Qaranka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa wuxuu dhawaantan  ku dhawaaqay inuu magacaabay Gudiga doorashooyinka Soomaaliya iyo gudiyo kale, inkastoo wali aysan ansixin xubnaha barlamanka, waxaana ku dhawaaqista gudigaani kadib madaxweynaha oo hadlay uu sheegay in uu sharci daro yahay gudigaasi oo tibaaxay in uusan xaq u laheyn gudoomiye Shariif Xasan mar haddii uu u tartamayo sida uu xusay jagooyinka Madaxtinimo ee Barlamaanka iyo Madaxweynaha, wuxuuna  sheegay madaxweynaha in uu dhankiisa magacaabayo guddi kale oo ka shaqeeya doorashooyinka dhici doono taasi waxay ka dhigan tahay dab Banziin lagu shubay.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: