Advertisements

Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo loo diiday in ay ka dhoofaan garoonka Muqsdisho.

Halkaan ka akhri

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka KMG Soomaaliya ayaa maanta laga joojiyey inay ka dhoofaan  Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, balse joojintaa waxaa ka daran in maanta garoonka uu  ka dhacay falal gacan ka hadal, kadib markii ilaa 40- oo doonayeen  inay ka dhoofaan garoonkaasi, kaddib markii laga hor istaagay inay dalka dibadda uga baxaan isla markaana Wasaaradda arrimaha gudaha ay amartay in xildhibaanadaas aanay dalka ka dhoofi karin.

Sidoo kale Xildhibaanadan ayaa  ka kooban Guddiga doorashada baarlamaanka Soomaaliya ayaa tiradooda waxay ahayd 35-Mudane oo iyagu socdaal shaqo ugu ambabaxayay wadanka dibadiisa si ay uga qeyb galaan seminaaro ku aadan howlahooda.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Xildhibaanada qaarkood ay u gacan qaadeen ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah, hase yeeshee markii dambe la kala dhex galay, kuwaasi oo iyagu diiday in ay ka baxaan gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Hase yeeshee ilaa 15-Mudane oo ka mid ah Xildhibaanadaasi ayaa iyagu sheegay inay sababo caafimaad ugu socdaalayaan dalka dibadiisa, hase yeeshee qaarka kale Xildhibaanada maanta loo diiday inay dalka ka dhoofaan ayaa la sheegayaa inay ahaayeen taageerayaasha Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, waxaana tallaabadaasi si weyn uga qeyliyay xildhibaanada loo diiday inay ka dhoofaan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo iyagu iska dhega mariyay awaamiir ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha Dowladda KMG ah oo ku saabsan inaysan Mudanayaashu dhoofi karin bacdamaa ay ka tallaabsadeen awaamiirta Xukuumadda.

Xildhibaan Khaalid oo ka mid ahaa  xildhibaanada laga horistaagay inay dhoofaan ayaa sheegay in Gen. Gaafow ay soo gaartay warqad ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha Dowladda KMG ah, wuxuuna  yiri “Gen. Gaafow ayaa diiday markii ay Xildhibaanada isku diyaariyeen inay raacaan diyaaradii qaadi lahayd”.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa la sheegayaa inuu bixiyay amar kale oo xildhibaanadaasi looga mamnuucayo inay dalka ka dhoofaan, isagoona ku eedeeyay inay horseed ka yihiin khilaafyada hareeyay madaxda Dowladda KMG ah isagoona ciidamada ammaanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ku amray in Xildhibaanadaasi aanay dalka ka dhoofi karin.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: