Halkaan ka akhri
Ururka goboleedka IGAD ayaa sheegay inay ka go’an tahay wax ka qabashada amaanka guud ee dalka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kale ay sheegtay in dowladda iyo AMISOM ay guulo ka gaareen dagaaladii ka dhacay Muqdisho.
Mr. Maxbuub Macalin oo ah Xoghayaha guud ee Urur goboleedka IGAD oo haatan ku sugan magaalada Dubai ee wadanka Imaraadka Carabiya ayaa warbaahinta u sheegay in IGAD ay rajo wanaagsan ka muujinayso xaaladda amaan ee Soomaaliya islamarkaana ay ka go’antahay inay dib nabad ugu soo celiso dalka Soomaaliya, maadama uu meesha ka baxay Hoggaamiyihii Al-qaacidd Usama Bin laadin, wuxuuna tilmaamay in uu taageero siin jiray Al Shabaab.
Sidoo kale MR. Maxbuub Macalin ayaa sheegay in Ururka goboleedka IGAD ay garab taaganyihiin dowladda KMG Soomaaliya sidii ay dalka ugu soo celin laheyd amnigii iyo kala dambeyntii, isagoo carabka ku dhiftay in dowladda iyo AMISOM ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaaladii Xarakada Al-Shabaab ay kula galeen Magaalada Muqdisho.
Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in IGAD ay qorshaynayso in ciidadamada dowladda KMG ay siiso tababaro una dhamaystirto qalabka milatari si ay awood ugu yeeshaan soo celin amniga iyo kala dambeynta dalka Soomaaliya.
Si kasta ha ahaatee Xoghayuhu waxaa uu sheegay in xiligaan Midowga Afrika iyo beesha Caalamka looga baahan yahay inay taageero sii yaan dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ciidamada Midowga Afirka AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho si dalka looga saaro Xarakada Al Shabaab oo uu tilmaamay inay caqab ku yihiin wadamada gobolka.
SomaliSwiss Dubai
Related articles
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- Dowladda KMG ah oo xabsiga dhigtay Maxamad Dheere iyo 5 qof oo kale. (somaliswiss.wordpress.com)
- Xaflad weyn oo lagu sagootinayay maamulka iyo madaxda dowlad goboleedka Hiiraan & Midland STATE oo xalay ka dhacday magaalada London. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Somalia accuses Eritrea of assisting Al Shabaab. (somaliswisstv.com)
- IGAD Communiqué on Sudan, Somalia, Kenya [full text](danielberhane.wordpress.com)
Filed under: Dubai |
You must be logged in to post a comment.