Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo shalay galab kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay galab ku soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, kadib markii uu Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ay kaga soo qeyb galeen Magaalada Jabuuti Munaasabaddii caleema saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay la dhaariyay, waana markii 3aad loo doortay xilka Madaxtinimada dalkiisa.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin, xildhibaano iyo qeybaha bulshada, halkaasoo markii dambe lagaga soo galbiyay gawaarida qafilan ee Ciidamada AMISOM oo lagu keenay Madaxtooyada.

Sida la wada ogsoon yahay Xafladdii lagu caleema saarayay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka socota Afrika iyo caalamka kale, waxaana intii Madaxweyne Shariif uu

ku sugnaa Jabuuti ay isku arkeen xaflada Madaxdii ka socotay Afrika.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: