Golaha Amaanka qaramda Midoobay oo Caawa kulan ka yeelanaya Arrimaha dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Golaha Amaanka qaramda Midobay ayaa la sheegay in cawa Kulan ugu ka furmi doono magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaana la hadal hayaa in si weyn loogu lafaguri doono arrimaha dalka Somaliya, waxaana kulankaasi Soomaaliya uga ka qeyb galay wafdi balaaran oo uu hogaaminayo raisul wasaaraha Somaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo haatan ku sugan magaalada Newyork ee dalka mareykanka.
Dhanka kale waxaa lagu soo warramay in Madaxweynayaasha dalalka xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku sii qulqulaya magaalada New York oo caawa lafilayo in si ras
mi ah uu uga furmo shirweynaha golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midobay oo looga hadli doono xaaladaha ka taagan dalalka ku jira Qaramada Midobay.

Waxaa la sheegay in gudiga xuququl insanka Qaramada Midobay ay soo diyaariyeen filim documentry ah kaasi oo ka hadlaya arrimaha bani‘aadanimada ee ka jira dalalka Soomaaliya , Sudan iyo Abiye, kuwaas oo muujinaya dhibaatooyinka ka dhanka xuuquuqda aadanaha ee ka jira wadamadaasi. 
Hase yeeshee wararka naga soo gaaraay maga New York ayaa sheegaya in qaar kamida Jaaliyadaha Somalida ee ku dhaqan wadanka Mareykanka ay
diyaarinaya inay kulamo gaar ah ay la yeesheen Raisul-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyagoo doonaya inay kala hadlaan arrimaha dalka Soomaaliya  iyo sidii looga baaqsan lahaa dhibaaatada kale oo ka dhacda wadanka Soomaaliya.

SomaliSwiss      New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: