Xildhibaanada Baarlamanka KMG Soomaaliya oo ka cabanaya lacagihii Mushaaraadka oo kasoo daahay.

Halkaan ka akhri

Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka KMG ayaa la sheegay inay ka cabanayaan inuu ka soo daahay Lacagtii Mush-haatka ahayd, sida la sheegaya in arrinta ay ka danbeyso kadib markii Xildhibaanada ay lkala safteen  madaxda sare ee Dowladda KMG ah taasoo hurisay xaaladda adag ee dalka  uu ku jiro, sidaas  darteed ay Xildhibaanadu mush-haarkooda ku waayay khilaafka soo kala dhex galay mas’uuliyiinta sarsare, waxaana maalmahan ka jiray magaalada Muqdisho dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay ku kala jiidanayaan Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka.

Sidoo kale qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ayaa ka cabanayay mushaar la’aan, kadib markii sida la sheegay in dowladda horay u bixisay mushaar, taasoo qeyb ka aheyd miisaaniyada sanadkan ee ay Xukuumada dejisay.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Maxamed Xasan ayaa sheegay in Wasaarada aanay ku lug laheyn dib u dhaca mushaaraadka Xildhibaa

nada, ha yeeshee waxaa uu tilmaamay in Gudoonka Baarlamaanka ay ka sugayaan inay u soo gudbiyaan documenti caddeynaya tirada Xildhibaanada iyo guud ahaan mushaaraadkooda.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in dowladda dadaal ugu jirto sidii Xildhibaanada ay degdeg ah ugu heli lahaayeen Mush-haarkooda asigoo taas ka hadlayey wuxuu yiri: “Waxaan ka sugeynaa Baarlamaanka inay soo gudbiyaan documenti, si aan u ambaqaado mushaar bixinta, xildhibaan walba aan lacagta ugu shubno Account-kiisa”.

Hase yeeshee Wasiiru dowlaha wuxuu muujiyay in dib u dhacyadaas ku yimid mush-haarka Xildhibaanada inay sabab u tahay qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka jira, iyo kala aragti duwanaanshaha Hey’adaha dastuuriga ee waqtiga kala guurka, wuxuuna ka digay in haddii uu sii socdo khilaafkaas ay xaaladu ka sii dari doonto.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: