Shir madaxeedkii Wasaaradaha Dhalinyarada iyo Isbortiga ee Jaamacada Carabta oo kusoo gaba gaboobay dalka Maroko.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Shir madaxeedkii Wasaaradaha Dhalinyarada iyo Isbortiga ee Jaamacada Carabta ayaa la sheegay inuu shala galab  ku soo gaba gaboobay Magaalada Marakech ee Dalka Maroko,  Shirkaas oo Soomaaliya uga qayb galay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Dhalinyarada, Isbortiga iyo Shaqaalada Dowlada KMG ee Soomaaliya Mudane Cali Sheekh C/llaahi (Cali Afgooye).

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Isbortiga Dowlada KMG ayaa wuxuu Shirkaasi uga warbixiyey qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in waxyaabihii ka soo baxay shirkaasi iyo kulamadii gaar gaarka ahaa uu la qaatay madaxdii ka soo qeyb gashay.

Wasiir kuxigeenka ayaa sheegay in kulankaasi la iskula soo qaaday sidii wax loogu qaban lahaa Dhalinyarada iyo Sportiga Dalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in wasaaradiisa ay balan qaadyo kala gedisan ka heshay wadamo ka tirsan jaamacada Carabta oo ay ugu horeeyaan Saudi Arabia iyo Qatar.

Mudane Cali Sheekh C/llaahi (Cali Afgooye) oo ka hadlayey arrintaas wuxuu yiri: “Dhawaan waxaan isku dayeenaa sidii aan ugu kuur gali laheyn helida dhalinyaro aqoon gaar ah u leh Isbortiga, kuwaasi oo ka fa ideesan kara fursado ay inoogu deeqeen wadamo ka tirsan Jaamacada Carabta”.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegay in dhalinyarada Isbortiga dalka soomaaliya ee da’dooda ka weyn 18-jir fursad u heli karaan in ay ka ciyaaraan Wadamada jaamacada Carabta, taasi oo ay balan qaadkeeda ka heleen wadamo badan.

Dhanka  kale Wasiirka waxa uu sheegay in shirkaasi ka dib uu kulamo gooni gooni ah la qaatay Wasiiradii Jaamacada Carabta ee ka soo qeyb galay Shirkaasi, kuwaasi oo uu sheegay in ay isla soo qaadeen sidii loo dar dar gelin lahaa Xiriirka dowladaha ay ka socdeen iyo tan soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka wuxuu intaas uu raaciyay ee uu yiri: “Inkastoo ay aheyd markiii ugu horeesay oo aan kulan noocaan oo kale ah ka qeyb galo tan iyo intii la ii magacaabay xilkaan, hadana waxaa ii guul ah in aan balan qaadyo kala gedisan ka helno wadamada jaamacada carabta oo runtii aad u daneenaya sidii ay u taageeri lahaayeen Wasaarada iyo Isbortiga dalka”.

Hase yeeshee Wasiir kuxigeenka Wasaarada Dhalinyarada, Isbortiga, Shaqada iyo Shaqaalaha Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa Dalkaasi Marocco waxa uu kulamo la qaatay Wasaarada Dhalinyarada iyo Isbortiga dalka Marocco, asigoona booqasho ku tagay garoomo kala gedisan oo lagu tababaro da’ yarta Isbortiga ee  dalka Moroko.

SomaliSwiss        Marakesh

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: