Madaxweyne Shariif oo kulamo la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Jabuuti.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Dowladd KMG Soomaaliya Shariif Sh. Axmed oo maanta ka qeyb galaya xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti ayaa xalay magaalada Jabuuti kula kulmay ganacsatada Soomaalida ah iyo guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddankaasi ku nool.

Madaxweyne Sh Shariif ayaa jaaliyadda uga warbixiyay halka ay mareyso xaaladda dalka iyo dadaallada ay xukuumaddu ugu jirto nabadeynta dalka, isagoo sidoo kale warbixin ka siiyay horumarka ay ciidamada Dowladdu gaareen oo ay ka mid tahay gobollo ay kala wareegeen Khawaarijta Shabaab.

Ganacsatadii iyo guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka qeyb gashay kulanka ayaa sheegay in ay taageersan yihiin Dowladda, ayagoo sidoo kale soo dhaweeyay howl gallada ay ciidamadu dalka uga sifeynayaan Shabaab.

Sidoo kale qaybaha Jaaliyadda sida ganacsatada ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay kala aragti duwanaashaha madaxda dowladda eek u aaddan marxaladda kala guurka ah, waxayna ku baaqeen in la mideeyo afkaaraha isla markaana si isku mid ah loo wajaho marxaladdan.

Waxaa kaloo Madaxweynuhu uu kulan la qaatay Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya dalka Jabuuti oo Hoteelka uu deggan yahay

Madaxweynuhu kula kulmay ayaa sheegay in mareykanku uu taageersan yahay Horumarrada ammaanka, Bani’aadamnimada,dhaqaalaha iyo dib u heshiisiinta, isagoo tilmaamay in Mareykanku uu taageersan yahay horumarrada ay Dowladda Federaalka KMG ah ay ka waddo gudaha dalka.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: