Danjiraha dowladda Uganda u fadhiya Ethiopia oo warfaafinta u sheegay in dowladiisa ay ciidamo dheeraad ah u dirayso Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

War ay faafiyeen Warbaahinta dalka Ethiopia ayaa sheegay in Danjire Mull Sebujja Katende oo ah Danjiraha  Dowladda Uganda u fadhiya dalka Ethiopia uu Saakay si buuxda warfidiyeenka ugu sheegay in Ciidamo dheeraad ah oo gaaraya ilaa 4-kun oo askar in Dowladiisa ay u soo dirayso dalka Soomaaliya, kuwaas oo kamid noqonaaya Ciidamada AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Danjire Mull Sebujja Katende wuxuu  sheegay oo si aad ah uga celceliyey in dowladda dalka Uganda ay u soo dirayso dalka Soomaaliya, 4000 askari oo dheeraad ah, wuxuuna sheegay inay ahayd dalab markii hore uga yimid Dowladda KMG ah iyo ururka Midowga Afrika, wuxuuna sheegay in ciidamadaasi lagu xoojin doono ciidamada AMISOM ee ka howlgalaya Gudaha Soomaaliya.

Danjiraha oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Ma ahan Dhibaatada Soomaaliya mid Shacabka kaliya haysata, hase yeeshee  waa mid haysata guud ahaan Afri

ka, waana taas midda ay Dowladaydu  ciidamo dheeraad ah ugu dirayso Soomaaliya.”

Sidoo kale Danjire Mull Sebujja Katende wuxuu yiri: “Qaraxyadii ka dhacay  dalalka Tanzaniya, Itoobiya, Kenya iyo Uganda waxaa mas’uul kahaa Al-Qaacida,”  wuxuuna Danjiruhu uu raaciyey  in Xarakada Al-shabaab ay taageero ka hesho Al-Qaacida,  wuxuuna  sheegay in dilkii Osama Bin Laden uu  ahaa war wanaagsan oo Caalamka idil ku farxay, gaar ahaan dalalka ku yaalla bariga Afrika.

SomaliSwiss        Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: