Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo dib uga gurtay deegaanka Buusaar ee hoos tagta degmada Ceel-Waaq ee G/Gedo.

Halkaan ka akhri

Ciidamadii dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugnaa deegaanka Buusaar ayaa  dib uga gurtay deegaankaas oo goor hore dagaal kula wareegeen in muddo ahna ay gacanta ku hayeen, iyadoo haatan deegaankaasi ay si nabadgalyo ah u soo galeen Ciidamada Xarakada Al Shabaab.

Flag-map of Somalia

Image via Wikipedia

Deegaanka Buusaar oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa ay sheegay in ciidamada dowladda ay isaga baxeen deegaankaasi, hase ahaatee warku wuxuu intaas ku daray in ka bixitaanka Ciidamada dowladda ee deegaankaasi ay ka dambeysay kadib khilaaf xooggan uu soo kala dhexgalay Saraakiisha Ciidamada dowladda kaasi oo ku aadan dhinaca Mushaaaraadka.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in Ciidamada Xarakada Al Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka Buusaar ee gobolka Ged,  halkaasi oo ay si nabadgalyo ah kula wareegeen, iyadoo arintaasi ay wal wal iyo cabsi ay ku abuurtay dadkii danta yaraa ee ku sugnaa deegaankaasi.

Si kasta arrintu ha dhacdee Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay gaareen degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, iyadoo mudooyihiin dambe deegaanada iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi ay ka jireen dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakada Al Shabaab.

SomaliSwiss        Ceel-Waaq

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: