Ciidamada Booliska oo baaritaano ka wada qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa saakay baaritaano ka wada qeybo ka mid ah waddada  Maka Al-Mukarama ee magaalada  Muqdisho kadib ammar ay soo saartay wasaadda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo ku addan in ammaanka si buuxda loo sugo.

Waxaa kaloo ay ciidamadu baaritaano ka wadaan Inta u dhaxeysa Dabka Illaa Zoobe, waxaa la baarayaa dadka maraya waddada, kuwa gaadiidka saaran ama wata iyo dhammaan goobaha ay ciidamadu u arkaan in ay Qatar ka jirto.

Dhanka kale Isgoyska Km4 oo ah kan uga shaqada badan magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah goobaha ay ciidmadu baartaannada xooggan ka wadaan, waxaa laga qaadaay barihii gaadiidka dadweynaha laga rari jiray, ayadoo ciidamo badan la geeyay dhammaan isgoysyada muhiimka ah.

Hase yeeshee dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay  howl galladan iyagoo ku timaamay mid wax wayn ka badali karta xaaladda ammaan ee magaalada, waxayna hoosta ka xarriqeen in haddii ay sii socdaan howl galladan ay magaalada Muqdisho noqan  karto mid laga dheehan kara  nidaamkii iyo kala dambeyntii dalka oo dhan ka jiri jiray.

Sida la wada ogsoon yahay Golaha wasiirada ayaa todobaadkii tagay waddanka galiyay xaalad feejignaan ah, ayadoo ciidamada ammaanka lagu amray in ay ka digtoonaadaan weerarro aargudasho ah oo ay geysan karaan taageerayaasha uururka Al-qaacida uu hoggaamiyahoodii dhawaan laga dilay.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: