HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Wafdigii uu hogaaminayay Wasiirka Warfaafinta Boostada & Igaarsiinta dalka Soomaaliya Dr. Cabdi Kariin Xasan Jaamac oo ayaamahanba booqasho howleed ku marayey dalka Talyaaniga iyo dalal kale ayaa waxay kormeer ku tageen dhismihii Safaarada iyo Qunsuliyada Soomaaliya ee magaalada Roma.
Wasiirka iyo Wafdigiisa waxaa kormeerkaas ku wehliyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga Ambassador Nur Cadde iyo howlwadeenada Safaaradda.
Dhismaha safaarada oo ahaa Guri afar dabaq ah oo goor hore aad u qurux badan jiray ayaa haatan waxaa ka muuqdo dayactir la’aan, ayaa waxay wafdigu warbixin halkaa uga dhegeysteen Safiirka Soomaaliya Nur Cade kaas oo uga warbixiyay xaaladda saafaaradu ku sugan tahay iyo marxaladihii ay soo martay.
Sidoo kale Safiirka ayaa sheegay in ay dayctireen qunsuliyadii Soomaaliya taas oo iminka ay si ku meel gaar ah howsha Saafarada Soomaaliya uga socoto.
Ambassador Nur Cadde ayaa wefdiga ku soo wareejiyay dhamaan qeybaha safaarada oo ay joogeen shaqaalaha safaarada oo shaqadooda u Socotay si cadi.
Dhanka kale Wasiirku wuxuu ku amaanay Ambassador Nur Cadde dadaalka iyo juhdiga uu galiyay in la badbadaadiyo hantidii Qaranka iyo in safaaraddu dib u bilowdo shaqadeedii.
Hase yeeshee Ambassador Nur Cadde wuxuu caddeeyey in keliis ku ahayn dadaalka lagu badbaadiyey hantida Qaranka ay jiraan dad Soomaali ah oo si aad ugu soo dhabar adeegay badbaadibta dhismooyinka Safaaradda iyo Qunsuliyadda waxaana ka mid ah shaqaalaha Safaaradda.
SomaliSwiss    Roma
Related articles
- Ra’isalware Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha. (somaliswisstv.com)
- Xaflad weyn oo lagu sagootinayay maamulka iyo madaxda dowlad goboleedka Hiiraan & Midland STATE oo xalay ka dhacday magaalada London. (somaliswisstv.com)
- Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah. (somaliswisstv.com)
- Dowladda KMG ah oo xabsiga dhigtay Maxamad Dheere iyo 5 qof oo kale. (somaliswiss.wordpress.com)
- Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Somali ah. (somaliswisstv.com)
- YouKu To Replace Pre-Installed YouTube App On Chinese iPhones? (macstories.net)
- A Quick Word Before I Tease Some Fundamentalist Christians (majortominor.wordpress.com)
- Madaxweyne shariif oo u ololeynaya caqabadeynta UDUBLAND, shaar cusubna usoo xirtay qabyaalada. (udubland.wordpress.com)
- Faallo: Halganka UDUBLAND waxa uu lamid yahay halagankii ay hurmuudka u ahaayeen halyeeyayaasha ‘macalin kabtooli, sh.cabdi gaab iwm. Q/2aad (udubland.wordpress.com)
- Mucaaradka UDUBLAND oo rajo beel muujiyey, laf qalalana toobin ku haya.(udubland.wordpress.com)