Dagaalo saakay ka dhacay deegaano ka tirsan G/ Gedo iyo Xaaladda Gobolka Bakool oo kacsan.

Halkaan ka akhri

Waxaa lagu soo warramayaa in gobolka Gedo ay saakay dagaal muddo kooban socday ciidamada Xarakada Alshabaab iyo kuwa Dowladda KMG soomaaliya ku dhex maray duleedka degmada Luuq ee gobolkaasi.

Sida la s00 sheegay dagaalkan ayaa bilowday, kadib weerar Ciidamada Xarakada Alshabaab ku qaadeen Kolonyo ka mid ah ciidamada dowladda KMG soomaaliya oo marayay  deegaano ka tirsan degmada Luuq ee gobolkaasi, waxaana xiligaasi kadib si aad ah loo maqlayay rasaas culus iyo garneelo labada dhinac dagaalada u adeegsadeen.

Balse ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha dhimasho iyo dhawaac ee soo kala gaaray ciidamada labada dhinac,hase yeeshee wararka soo baxay waxay sheegayaan in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac labada dhinac oo aan la ogayn tirada rasmiga ah.

Sida la wada ogsoon yahay muddooyinkii ugu danbeysay dagaalada ka dhaca deegaanada gobolka Gedo waxay noqdeen kuwo qaab gaadmo ah u dhaca, waxaana ka dhasha dagaaladaasi qasaare aan caadi ahayn oo kala gaara ciidamada labada dhinac.

Si kasta ha ahaatee dagaalada saakay muddada kooban socday ee Xarakada Alshabaab iyo Dowladda KMG Soomaaliya ku dhex maray Duleedka Degmada Luuq ma jirto cid labada dhinac ka tirsan oo ka hadashay dagaaladaasi.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya deegaanada gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in laga cabsi qabo in dagaal uu ku dhexmaro deegaano ka mid ah gobolkaasi bakool xarakada al shabaab iyo ciidamo taageersan dowladda KMG.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in Degmada Waajid oo ka mid ah gobalka Bakool ayaa  sheegayaa in ay haatan daafaha magaaladaas ay  isku hor fadhiyaan, isla markaana dadkii degenaa agagaarka degmada waajid ay muujinayaan cabsi aad u xoogan.

Xaaladda cabsida ah ee  saakay ka taagan degmada waajid ee gobolka Bakool ayaa waxay ku soo aadeysaa xilli ay wadaan Ciidamada dowladda KMG dhaqdhqaaq iyo isku dayo lagu doonayo in gacan ku heynta deegaanada gobolka bakool ay kula wareegaan.

Sidoo  kale ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan xarakada al shabaab ayaa waxaa lagu arkayaa saakay wadooyinka gala iyo kuwa ka baxay degmada waajid ayagoo raxan raxan u lugeynayaa doonayana in ay iska caabiyaan weerar laga yaabo in uu kaga yimaado dhanka dowladda KMG.

SomaliSwiss     Luuq Ganaane

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: