Afhayeenka Al-Shabaab oo sheegay in ay u aar-gudi doonaan Hogaamiyaha Al-Qacida Osama Bin Laden.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta si rasmi  markii u horeysay ka hadhay dilkii Hogaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laden Xarakada Alshabaab oo maalin kadib cajalad maqal ah oo la soo dhigay Bogga Internetka ay Hogaanka Al-Qaacida ku xaqiijiyeen dilka Usama ee habeenkii axada ku dileen Ciidamada Mareykanka Waqooyiga dalka Pakistan.

Sheikh Cali Maxamuud Raagge (Sheekh Cali Dheere) oo ah Afhayeenka Xarakada  Al-shabaab ayaa wuxuu shir jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax saameyn ah aysan ku yeelan doonin dilka Hogaamiyihii Al-Qaacida.

 Sheekh Cali Dheere oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Wax saameyn ah naguma yeelan doonta dilka Walaalkeen Usama Bin Laden” wuxuuna sheegay inay u aar-gudi doonaan Hogaamiyaha Al-Qaacida Usama Bin Laden, isagoo xusay in aanu dhimashadii wax hakad ah ku keeni doonin Dagaalka Jihaadka ah sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenku wuxuu intaas raaciyey ee uu yiri: “Walaalkeen Usama dhiigiisa Beylah ma noqonayo, waana u aar-gudi doonaa, Difaaca Diinta Islaamka ma joogsanayo, geeridiisana wax saameyn ah naguma yeelan doonto, maxaa yeelay wuxuu ahaa Adoon Alle sabab uga

dhigay inuu sharaftii Muslimiinta soo celiyo”.

Sheikh Cali Dheere ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaaday dagaalada ka socda dalka, isagoo cadeeyay inay soo soconayaan, ilaa ay dalka ka baxaan Gaalada ku soo duushay.

Sidoo kale waxaa Xarakada Al-Shabaab oo lagu tilmaamay inay xiriir dhow ah la leedahay Shabaab ayuu Cali Dheere sheegay in Usama ay isku fikrad ka ahaayeen dagaalka Jihaadka ee Caalamka ka socda, waxaana uu ugu baaqay Mujaahidiinta caalamka ku sugan in aanay niyad jebin dilkiisa, oo ay sii wadaan sida uu yiri.

Hase yeeshee Sheikh Cali Dheere ayaa ugu baaqay Xoogaga Shabaab inay sii xoojiyaan dagaalada, ayna u aar-gudaan Hogaamiyahooda, waxaana uu carabka ku dhajiyay inay adkeynayaan balankii Alle kula galeen inay difaacaan Diinta Islaamka iyo Muslimiinta.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: