Xarakada Al-Shabaab oo xukun dil ah ku fulisay laba Nin oo ay ku eedeeyeen dembiyo Jawaasiisnimo ah magaalada Baydhabo.

Halkaan ka akhri

Xarakada Al-Shabaab ayaa Shalay galab magaalada Baydhabo ku toogtay labo nin oo Soomaali ah, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay Maamulkooda u Jaajuusayeen dowladaha Ehiopia iyo Kenya.

Labada Nin oo lagu kala magacaabi jiray Maxamed Xasan Aadan oo ku magac dheeraa  [Sonkor] oo Afartan jir ahaa iyo C/llaahi Aadan Cabdi oo isna 31 jir ahaa, labada nin oo la sheegay in ay ahaayeen dadka deegaanka ayaa lagu toogtay Garoonka Ciyaaraha ee Dr. Ayub oo ku yaala gudaha magaalada Baydhabo, halkaas oo ay dadweyne Caruur iyo Haween u badan ku daawanayeen.

Qaalliga Xukumay labada Nin oo lagu magacaabo Qaalli Cumar ayaa isla goobta labada Nin lagu Toogtay xukunka dilka ah kula riday, isagoona daliilkiisa uu ahaa kaliya qoraal oo uu sheegay in labadan Nin ay ku qirteen dambigooda, in kastoo aanay wax hadal ah ka jeedinin goobta ragii ladilay.

Si kasta ha ahaatee maaha markii ugu horeysay ee ay kooxda Al-Shabaab dilaan dad ay ku eedeeyeen dambiyo kala duwan, kuwaas oo aan wali la arag iyadoo la soo bandigay wax cadeyn ama Markhaatiyo ah Marka laga reebo khudbado ay qaaliyada ku sheegaan in ay dadkaasi qirteen dambiyadooda.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: