Sheikh Xassan Qoryooley oo ahaa Hogaamiye ka tirsan Ahlu-Sunna oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar ay Al-Shabaab la beegsadeen.

Halkaan ka akhri

Sheikh Xassan Sh. Cabdi Maxamed (Sh. Xassan Qoryooley) oo ahaa gudoomiyihii qaar ka mid ah Gobollada Koonfureed ee Ururka Ahlu-sunna Waljamaaca iyo Gudoomiye ku xigeenkii labaad ee guud ahaan Ururka Ahlu-sunna Wal-jamaaca ayaa la sheegayaa in  uu Wadanka Kenya ugu  geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax Isniintii la soo dhaafay kolonyo uu la socday lagula beegsaday meel u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Garbahaarey kaasoo sida la aaminsan yahay ay ka dambeeyeen ururka uu dagaalka kala dhexeeya ee Al-Shabaab.

Warka ayaa intaasi ku daraya in dhaawaca soo gaaray Sh. Xassan Qoryooley uu ahaa mid aad u culus, sidaa darteedna, daweyn loogu qaaday wadanka Kenya, halkaas oo uu ku geeriyooday isagoo ku jira isbitaal ku yaala wadanka Kenya.

Kooxaha Soomaaliya iskala soo horjeeda dagaalada ayaa ah iyagu kuwa iska dilay wakhtiyadii aan soo dhaafnay dad aad u magac Dheeraa ama Hogaamiyayaal ahaa, sida Sh Qoryooley oo kale ah, hadan dhinaca Ahlu-sunna Waa markii u horeysay ee Mas,uul heerkan oo kale ah laga dilo tan iyo intii ay dagaalada la galeen xarakada Al-Shabaab.

Sheikh Qoryooley ayaa dadka yaqaanay waxaa ay ku sheegeen in uu kamid ahaa Cullimada ugu waaweyn ee dhaq-dhaqaaqyada Suufiyada Ahlu Sunna Waljamaaca ama Cullimadii hore ee Soomaaliya.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: