Ra’isal wasaare Farmaajo oo magacaabay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha.

Halkaan ka akhri

Golaha Wasiirada dowladda KMG ah ayaa waxay maanta yeesheen Shirkii caadiga ahaa oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmajo) waxaana shirkaas  looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin warbixin laga dhageystey Wasiirka Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda iyo Bey’ada, Mudane Mohamed Moalin Hasssan oo ku saabsaneyd Xadeynta Badda Soomaaliya.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Caafimaadka iyo Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda iyo Bey’ada oo dhowaan ka soo laabtey safar shaqo ah ayaa Golaha Wasiirada siiyey warbixin la xiriirta natiijadii iyo guushii ka soo hoyatay safarkiisa.

Dhanka kale Wasiirka wuxuu Golaha Wasiirada siiyey warbixin la xiriirta natiijadi iyo guushi ka soo hoyatay safarkeygii oo aheyd in aan keenay dokumenti qeexaaya xad badeedka Somaliya oo loo sameeyey si waafaqsan sharuucda caalamiga ah ee badaha ee Qaramada Midoobey (United Nations Convention on Law of Sea).

Hase yeeshee dokumentigan ayaa loo gudbin doonaa Qaramada Midoobey taasoo lagu diiwaangelin doono xaqa ay Somaliya u leedahay in waxa loo yaqaano Xuduuda Dhaqaale ee u gaarka ah Somalia (Exculisive Economic Zone) ay tahay 200 nautical miles oo u dhiganta 370.4 km, sudoo kale Dokumentigan iyo khariidooyinka la socda waxaa lagu soo daabaci doonaa websiteyada QM iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah, sida FAO. 

Ka dib makrii aan sharaxaad ka bixiyey sababaha keenay arrinkan ayaan u sheegay Golaha si waddanka uu si sharci ah ula xisaabtamo gaadiidka badda ee ku soo xadgudba xaduudan in loo baahan yahay in sharcigii badda ee u degsenaa Somaliya 1972dii la waafajiyo heshiiska caalamiga ah ee badaha, maadaama ay Somaliya saxiixday, ansixisayna heshiiskaas 1989kii.

Arrintan waxay Dowladda Somaliya u suuragelinayaa in si sharciga Caalamka waafaqsan uga hortagto dhammaan wax allaale iyo wixii xadgudubyo ah ee laga dhexsameynayo badweynta soomaaliyeed, sida kalluumeysiga sharci darada ah, daadinta sunta iyo burcad badeedaba. 

Haddaba si taas ay u hirgasho waxaa khasab ku ah Soomaaliya inay dokumentigan u gudbiso Qaramada Midoobay. Ka dib warbixintaas iyo khariidadihii la socday oo muujinaya arrintan ayaa Wasiirku  ka codsaday Golaha Wasiirada inay ansixiyaan si warbixintaas loogu gudbiyo Qaramada Midoobey, hase ahaatee  Goluhu waxay si aqlabiyad ah u asixiyey in warbixintanas loo gudbiyo Qaramada Midoobey. 

Si kasta ha ahaatee tallaabadan ayaa la sheegay inay tahay guul weyn oo u soo hoyatey shacabka soomaaliyeed, horseedi doontana in lala xisaabtamo gaaddiidka badda oo caadeystey inay si sharci darro ah uga kalluumeystaan ama ugu daadiyaan sun xaduuda dalka ee dhanka badda.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa si aad ah u ammaanay wasiirka howsha muhiimka ah ee uu soo qabtay kana codsaday inuu sii dhameystiro inta ka dhiman, hase yeeshee Golaha Wasiirada ayaa waxay jagooyin u magacaabeen mas’uuliyiinta magacyadooda hoos ku qoran:

1.      Mudane Mohamed Abdi Haabiil Duale inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

2.      Mudane Bashir Mohamed Jama (Bashir Gobe) oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha & Amniga Qaranka.

3.      Mudane Duale Adam Mohamed oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: