Madaxweynaha dawlada KMG Soomaaliya oo xalay si lama filaan ah uga duulay magaalada Muqdisho, galabtana ku soo laabtay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dawlada KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Xalay si qarsoodi ah dalka uga dhoofay ayaa xalay gaaray magaaladda Khartuum dalka Sudan ayaa kulan la qaatay Dhiggiisa dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, kaas oo ay ugu wada hadleen arrimmo badan oo ku saabsan Amaanka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dowladood.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in Madaxwayne Shariif uu uga warbixiyay dhiggiisa Suudaan xaalada uu dalku marayo iyo guulo uu sheegey inay ciidankiisu kasoo hoyeen dagaaladii ugu dambeeyay iyo hormarka ay Dowladdu ka gaartay dhinaca amniga.

Sidoo kale Safiirka Soomaaliya ee dalka Sudan Axmed Fiqi ayaa warbaahinta Soomaaliyeed u sheegey in kulanka ay yeesheen labada madaxweyne uu ku saabsanaa arrimo quseeya xaalada Soomaaliya iyo sidii dawlada suudaan ay u taageeri lahayd dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegay in madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashir uu dawlada Soomaaliya u balan qaaday taageero dhinac waliba ah oo uu siin doono.

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed iyo wafdigiisa ayaa gabaldhicii Maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii ay kasoo laabteen booqashadii ay ku tageen wadanka Sudan.

Wafdigii lasocday Madaxweynaha waxaa kamid ahaa wasiirka wasaaradda garsoorka, Arrimaah diinta iyo awqaafta Cabdullaahi Abyan Nuur, Safiirka Soomalaiya ee Sudan Danjire Axmed macallim Fiqi iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: