Ciidamada Boliiska dowladda KMG Soomaaliya oo Saaka howl galo ka wada magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri


Howl galo aan caadi aheyn ayaa lagu soo warramayaa ay ka wada wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, kadib go’aan ka soo baxay dowladda oo ahaa in dalka la geliyo heegan buuxa, iyagoo ka digay weeraro loogu aar-gudaayo  dilkii Hogaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laden inay ka dhacaan dalka.

Sida la sheegay  waxaa Ciidamo fara badan oo Boolis ah oo wata Gaadiidka dagaalka ay saaka soo buuxiyay isgoyska KM4 oo ah wado halbowle u ah isu socodka qeybo badan oo Magaalada Muqdisho ah, waxaana Ciidamada ay wadaan howl galo ay ku baarayaan Gaadiidka.

Sidoo kale howl galada ayaa waxay ka socdaan Wadada Maka Al-Mukarama oo isku xirta qeybo badan oo degmooyinka Muqdisho ka mid ah, waxaana la sheegayaa in ciidamada ay gaadiidka u diidayaan inay istaagaan bartamaha wadada, iyagoo baaritaano culus ku sameynaya Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, waxaana laga dajinayaa dadka saaran oo la baarayaa.

G/sare C/llaahi Xasan bariise oo ah Afhayeenka Booliska ayaa xalay sheegay in Ciidamada Dowladda ay galeen heegan buuxa oo joogto ah, si looga hortago weeraro ka dhaca dalka, gaar ahaan weeraro loogu aargudo Usama Bin laden iyo weeraro kale oo Shabaabka geystaan, kadib markii uu sheegay in laga itaal roonaaday.

Dhanka kale dadka saaka u socday goobaha ganacsi ayaa sheegaya in aanay waligood arkin dhaq dhaqaaqyada saaka ay sameynayaan Ciidamada Dowladda, inkastoo aanay jirin wax saameyn ah oo ay yeesheen, hadana feejignaanta Ciidamada wuxuu ahaa  mid aad u sareysa.

hase yeeshee arrinta ayaa waxay daba socotaa kadib markii maalintii shalay aheyd ay dowladdu ku dhawaaqday in dalka lagu soo rogay xaalad deg dega, iyagoo go’aamo culus oo dhanka Ammaanka darida ah laga soo saaray kulan dhex maray Gudiga Amniga Qaranka.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: