WAR-SAXAAFADEED: Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegtay in ay heegan Buuxda gelineyso dalka.

Halkaan ka akhri

WAR-SAXAAFADEED:

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa heegan gelisay dhammaan dalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa mas’uuliyadda ka saaran badbaadada shacabka, iyo iyadoo ka baaraan degayso taxadarna ka ah Al-Qaa’eda oo la sheegayo inay damacsan yihiin inay u aaraan Hoggaamiyahoodii Osama Bin Laden oo la dilay iyo guul darooyinka joogtada ah ee kooxaha Al-Shabaab sidaas darted waxay  dowladdu dar-dar gelin doontaa howlaha sugida amniga.

Hay’adaha amniga ayaa ka wada xaajinta iyo adkeynta Amniga tan iyo intii la soo sheegay dilkii Osama Bin Ladan.

Haddaba Dowladda KMG ah iyadoo tixgelinayso:

  • Warbixinada dhanka amniga ah,
  • Falalka naxariis darada ah ee laga filan karo kooxaha xag jirka ah ka dib markii la dilay hoggaamiyihii Al-Qaeda
  • Dagaalada socda ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
  • Xaqiijinta ka imaneysa hay’adaha amniga ee ah inay jiraan falal ay damacsanyihiin kooxaha nabadiidka ah ee lagu waxyeeleynayo shacabka soomaaliyeed.
  • Howlgalada socda ee lagu sugayo amniga dalka.
  • Rabitaanka shacabka soomaaliyeed iyo sida ay ula safteen Dowladda FKMG ah oo horumar baaxad leh ka sameeyey dhanka amniga.

Dowladda KMG ah waxay go’aamisay:

  1. In Dalka la geliyo heegan buuxa oo meeshii ugu sarreysey ah (State of High Alert).
  2. In hay’adaha amniga ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan sidii amniga loo sugi lahaa, loona dhaqan gelin lahaa feejignaan tii ugu sarreysey, iyadoo ciidanka la gelinayo heegan joogta ah.

Heegankan buuxa waxuu dar-dar gelin doona arrimahan:

  1. In aan la oggalaan doonin dhammaan hubka sharci darada ah in wadooyinka lagu wato.
  2. In la yareeyo socodka gaadiidka habeenkii wixii ka danbeeya 9pm, marka laga reebo kuwa sharciyeysan.
  3. In Dib-u-habeyn lagu sameeyo ciidanka Dowladda.
  4. In la sugo amniga goobaha shacabka ku sugan yihiin.
  5. In Dowladdu ay dib gacanta ugu soo celiso magaalada Muqdisho.

Dhammaan shacabka soomaaliyeed waxaa lagu wargelinayaa inay la shaqeeyaan ciidanka amniga sugaya si looga hortago wixii keeni kara falal argagax ah ee ka yimaada Al-Shabaab.

-DHAMAAD-

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: