Wafdi ka socda QM. oo Madaxda dowlada KMG shir kula leh xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Wafdi ka socda  Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayo u qeysanaha QM arrimaha bini’aadanimada Soomaaliya Mark Bowden ayaa waxaa  Kulan kula qaaday Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya   Madaxda Dowladda KMG Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada.

Warku wuxuu intaa ku darayaa  in kulanka labada dhinac ay uga hadlayeen sidii wax loogu qaban lahaa dadka dhibaatooyinka dhinaca nolosha ay ku heysato gobolada dalka gaar ahaan kuwa abaaraha daran ay ka taaganyihiin, waxaana ay isku raaceen markii dambe in la caawiyo dadka abaareysan iyo kuwa kale ee gargaarka bini’aadanimo u baahaan.

Markii uu dhamaaday Kulanka, kadib waxaa si wada jir ah saxaafada ula hadlay wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ee dowladda KMG iyo Mark Bowden oo hogaaminayay wafdiga Qaramada Midoobay.

Sidoo kale Wasiirka iskaashiga iyo xiriirka Caalamiga ah ee dowladda KMG Soomaaliya Cabdi wali Max’ed Cali ayaa wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay kala hadleen sidii wax loogu qaban lahaa dadka dhibaateysan iyo sidii qaramada midoobay ay u sii kordhin laheyd howlaha bini’aadanimo ee ah ka hayaan Soomaaliya.

Dhanka kale Uqeybsanaha arrimaha  bini’aadanimada ee Qaramada midoobay arimaha Soomaaliya Mark Bowden oo isna la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in qaramada midoobay ay ka walaacsantahay xaalada bini’aadanimo ee Soomaaliya, isagoo sheegay in qaramada midoobay ay sii wadeyso dadaalka howlaha bini’aadanimo ay ku gaarsiinayaan dadka ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya.

Mr. Mark Bowden oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri; “ aad ayaan ugu walaacsanahay dhibaatada dadka shacabka ah heysta, waxa ay mareysaa meelihii ugu darnaa marka loo bar bar dhigo dunida inteeda kale, dhibaatooyinka aad ayay u farabadanyihiin abaaraha iyo colaadaha dadka Soomaalida waa ay saameeyeen, sidaasi daraateed waxan aan jecelnahay in aan gaarsiino dadka Soomaaliyeed kaalmooyin bini’aadanimo oo deg deg ah, waxaan arintaasi kala hadalnay masuuliyiinta dowladda KMG”.

Hase yeeshee Kulanka  hay’adda bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay iyo Mas’uuiyiinta Dowladda KMg Somaliya  ayaa wuxuu ku soobeegmayaa xili dadka Soomaaliyeed ay wali heystaan dhibaatooyinka abaaraha iyo dagaaladda  ka jira guud ahaan dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: