Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ku hanjabay in loo Aar gudi doono dilka Osama Bin Ladin…

Halkaan ka akhri

Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ka mida ah Saraakiisha Xarakadda Al shabaab oo wareeysi siiyay Tv-ga Al jazeera ayaa waxa uu sheegay inay u Aar gudi doonaan Sidii ay ugu aar gudi lahaayeen hogaamiyihii Al Qaacida Osama Bin Ladino oo dhawaan ay sheegtay dowladda Mareekanka in ay ku dishay weerar ay ku qaaday guri uu kaga sugnaa wadanka Pakistaan.

Wadaadku waxa uu sheegay in jihaadka ruuxii guta uu helayo shahaado sharaf,  wuxuuna tusaalle u soo qaatay Xamza Bin Cabdi Mudalib iyo Osama Bin Laadin.

Sidoo kale mar wax laga weeydiiyay arrinta ah sii socoshada arimaha Al Qaacida ayaa wuxuuna sheegay  inay sii soconeyso hoowsha iyo jihaadka ilaa laga gaaro Qiyaamaha wuxuuna ku hanjabay in loo Aar gudi doono Sheikh Osama Bin Laadin.

Sheikh Xasan Dahir ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn ee Obama ka lahaa dilka osama ay aheyd inuu ku guuleysto doorashooyinka madaxtinimo ee lagu wado inay dalkaasi ka dhacdo.

Sarkaalkan ka tirsan Al-Shabaab waxa uu ku baaqay in dagaalyahanada Al Qacida inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah reer galbeedka gaar ahaan dalalka cadowga ah Diinta Islaamka.

Warka Sheikh Xasan Dahir ayaa yimid waqti DKG Soomaaliya ay sheegtay in ay si aad ah u soo dhaweeyneeyso dilka hogaankii Al-Qaacida iyadoona doowladaha Soomaaliya dariska la ahna ay sheegeen in arinta Osama ay Soomaaliya ay fursad nabadeed u tahay.

Xarakadda Al-Shabab ayaa la sheegaa inay taageero buuxda ka helaan ururka Al-Qacida, iyadoona sidoo kale la sheego inay Soomaaliya joogaan dagaalyahano aan Soomaali aheyn kuwaas oo ka tirsan Al-Qacida.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: