Sh. Osama wuxuu ahaa mid Soon iyo Salaad badan jihaadkana safka hore kaga jirey. Maxamed Islaam

Halkaan ka akhri

Iyadoo aysan wali caddayn dilka Sh. Ussama bin Laden islamarkaana uu mugdi badani ku jiro qaabka loo dilay, meesha lagu dilay, meesha lagu duugay,sawir sax ahna aan laga hayn, Ayaa haddana markaad eegto sida caalamku ula falgalay bari iyo galbeed, gaal iyo islaam waxaad mooddaa inay  tahay dilka Shiiku mid dhab ah oo wax ka jiraan.

Wargays lagu magacaabo Assabiil oo ka soo baxa dalka Urdun ayaa wuxuu xiriir la sameeyey qaar ka mid ah dad horay ula rafiiqay sh. Ussama bin laden waxayna ka warramayaan shakhsiyaddiisii naadirka ahayd iyo
dadaalkii iyo halgankii  uu ku  soo jirey  muddada dheer  iyo inuu yahay geesi shahiiday, waxayna tilmaameen inuusan ahayn nin si sahlan loogu galikaro isdhiibitaanna aan laga filayn, waxay kaloo caddeeyeen  inuu ahaa nimaan jeclayn qalalaasaha iyo dhibka iyo in la daadiyo dhiigga dadka rayidka ah hammigiisuna uu ahaa inuu la jihaado cadowga xoogga ku jooga dalalka islaamka muslimiintana gumaadaya.

Tilmaamihii  ay dadkaasi bixiyeenna  waxay kala ahaayeen sidatan ;

C/majiid Almajaaliyi oo la rafiiqay shiikha sannad  1986-1987 wuxuu yiri : shiikhu wuxuu ku taamayey
inuu shahiido, jihaadkiisana wuxuu ku doonayey Ilaahay sw raalli galintiisa, shahaadada uu maanta qaatayna waxay soo noolaynaysaa shabaabka ummadda. Waxaan ku xasuustaa goobaha dagaalka Afgaanistaan, waxaanuna si wada jir ah u qodi jirney dhufaysyada waxaanuna ku wada noolayn xuduudda u dhexaysa Baakistaan iyo Afgaanistaan, si fiican baan u xasuustaa Shiikha oo mujaahidiinta ku hoggaaminaya meelo ay ku jireen ciidammada Ruushka, wuxuuna diidi jirey inuu gabbado ama meel lagu qariyo isagoo doonaya inuu dagaalka safka hore galo,

almajaali wuxuu intaa raaciyey isagoo ilmada dhabanka ka duugaya, shiiku wuxuu ahaa mid soon iyo salaad badan markasta oo aad la kulantana waa uu dhoolla caddaynayaa hammigiisuna wuxuu ahaa sidii uu u xorayn lahaa masaajidka barakaysan ee Quddus.

Axmed Alqaasim oo isaguna la rafiiqay  shiikha sannadkii 2000-2001 wuxuu yiri : Shiikhu wuxuu ku dadaali jirey inuu kor meero furimaha dagaalka wuxuuna ahaa mid Ilaahay mahadiya mujaahidiintana ku boorriya inay jihaadka ku samraan, inuu shahiidayna waxay kor u qaadaysaa go’aanka mujaahidiinta waxayna dardar galinaysaa jihaadka, waxaana shiikha lagu xasuusankaraa kibir la’aan,adduunyo kajeensi iyo xishood badan wuxuuna ahaa nin naftiisa Ilaahay ka iibsaday.

Sidoo kale ummu muxammad oo ahayd xaaskii C/laahi cuzaam iyaduna waxay tiri : Waxaan xasuustaa marar uu shiikhu marti u ahaa shahiidkii C/laahi cuzaam, Sh. Ussama  wuxuu ahaa mid habeenkii oo dhan salaad u taagan kadibna wuxuu aadijirey salaadda subax kadibna waa uu soo laabanjirey wuxuuna cunijirey cunto yar kadibna wuxuu  aadi jirey xafiisyada lagu dajiyo kaartooyinka dagaalka, odaygaygu wuxuu mar igu yiri Sh. Ussama waa uu ka daahirnimo badan yahay biya cirka ka yimi, iyadoo hadalkeedii sii wadata waxay tiri  shiikhu wuxuu  ahaa mid dadkoodhan jecel una adeega arrimaha islaamka oo dhan.

Abu xaarith cuzaam oo isaguna ka mid ahaa dadkii shiikha la rafiiqay wuxuu yiri : Sh. Ussma wuxuu ahaa mid raadiya inuu shahiido wuxuuna helay wixii uu doonayey, wuxuu ahaa nin dadkoodhan u dhexeeya oo qofkii doonaa la kulmikaro.

Ugu danbayntii qormadan yar waxaan ku soo gunaanadayaa ; ninkaasi intii uu noolaana cizi iyo sharaf buu ku noolaa
hadduu maanta shahiidayna wuxuu helay wixii uu Ilaahay ka doonay, waxaase maanta  dayac iyo darxumo iyo dullinimo la jiifa kuwo badan oo islaam  sheeganaya oo ka gaabiyey masuuliyaddii kaga aaddanayd islaamkooda, waxaana Ilaahay nacladdiisa iyo caradiisu ku dhacday kuwa maanta  u dabbaal degaya oo ka mashxaradaya dilkiisa, shahiidkana waxaan Ilaahayna sw uga baryaynaa inuu janna fardowsa ku abaal mariyo kuwii dilayna islaamka uga aargooyo. Wallaacu almustacaan , innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun. Wa xasbunaa Allaahu wa nicma alwakiil.

Maxamed  Islaam

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: