Ra’isal Wasaare Farmaajo oo maanta ka qeyb galay Munaasabad ay Wasaaradda Waxbarashadu kula wareegtay Dugsi Hoose/Dhexe.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad ay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare kula wareegeysay Dugsi loogu magacdaraty Allaaha u naxariistee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Axmed Cabdillaahi Waayeel kaas oo laga hirgeliyay xaafadda Jaziira oo ku taala Duleedka Degmda Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale munaasabada ay maanta Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaliya kula wareegeysay Dugsi cusub oo lagu magacaabo Dugsiga hoose iyo Dhexe ee Waayeel islamarkaasna lagu qabtay xarunta Dugsigaasi ee Jaziira ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaare Farmaajo, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Dr. C/nuur Sh. Maxamed, Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada Muuse Faarax Xeyd, Afheyeenka Xukuumadda ahna la taliyaha R/wasaaraha ee xagga Warfafinta Eng. C/raxmaan Yariisow iyo saraakiil ka socotay AMISOM.

Waxaa ugu horreyntii munaasabaddaas hadal ka jeedisay Marwa Caasho Cumar Axmed oo ka mid ah dadkii gacanta ku hayay Dugsigaasi oo ay wax ku bartnayeen Caruurta ay dhaleen Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay marxaladihii uu so maray dugsiga, iyadoo tilmaantay in Dugsigaasi ay markii hore aas aaseen Ciidamada AMISOM Bishii Ramadaan ee sanadkii hore islmarkasana ay maanta farxad u tahay inay ku wareejiyaan Dowladda Soomalaiya.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomalaiya Dr C/nuur Sh. Maxamed oo hadal ka jeediyay xaflada ayaa sheegay inay fursad qaali ah tahay inay dowladda la wareegto dugsigaasi waxa uuna sidoo kale shaaciyay inay jiraan dugsiyo kale oo ay Dowladda gacanta ku hayso uuna ka mid yahay dugsi isna loogu magac daray Dugsiga Prof. Ibraahim Xasan Caddow Wasiirkii hore ee Hiddaha iyo Tacliinta Sare kaas oo ka mid ahaa dadkii naftooda ku waayay Qaraxii Hotelka Shaamow 3-dii December sanadkii 2009-ka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo isna Munaasabaddaas ka jeediyay Khudbad  ayaa sheegay in dugsigani uu yahay dugsigii labaad ee ay la wareegto Dowladda, waxa uuna xusay R/wasaaruhu inay arintaasi qeyb ka tahay dadaallaad lagu soo celinayo adeegyada Bulshada Soomalaiyeed.

Ugu danbeyntii R/wasare Farmaajo iyo Xubnihii la socday ayaa waxay soo kormeereen dhammaan qeybha kala duwan ee fasallada, si ay ugu kuur-galaan xaalaadda waxbarasho ee Dugsiga, wuxuuna R/wasaaruhu uu mid mid u salaamay caruurtii wax ka baraneysay Dugsiga hoose iyo Dhexe ee Waaayeel kuwaas oo ay dhaleen Ciidamada Xoogga dalka Soomalaiyeed.

Ma ahan makii ugu horreysay ee ay dowladda dowladdu si rasmi ah ula wareegto dugsiyada waxbarashda, hase yeshee waxaa sidoo kale dhowaantan ay la wareegtay Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Maxamuud Mire kaas oo ay ballaan qaaday Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare inay si lacag la’aan ah wax uga baran doonaan ardayda Soomaliyeed.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: