Qilaaf soo kala dhex-galay Saraakiisha Jabhada Raaskambooni iyo kuwa dowlada KMG Somaliya.

Halkaan ka akhri

War aan ka helnay magaalada Dhoobley ayaa  sheegaya inuu qilaaf ka dhashay markii ay shalay soo gaareen magaalada Dhoobleey wafdi uu hogaaminayo nin lagu magaaco Ilyas Badal oo gudoomiye uga ah Gobolka J/hoose maamul goboleed uu dhawaan ku dhawaaqay Xildhibaan Maxamed Cabdi Gandi kaasoo loogu magac daray Azania.

Maamulka Azania ee uu madaxweynaha ka yahay Prof. Gaandi ayaa hada doonayo inuu dhaq dhaqaaq ka sameeyo gobolka xilli aysan ciidamo u joogin, hase yeeshee waxay wararka naga soo gaaraya gobolka J/hoose ay sheegayaan in uu si fudud u sii xoogeysanaya qilaafkaas  oo soo baxay shalay, kaasoo u dhaxeeyo saraakiisha Jabhada Raaskambooni iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Dhoobleey. 

Sida la sheegay Saraakiisha Jabhada Raaskambooni ayaa diidan wafdiga Azania ee shalay gaaray Dhoobleey, waayo Jabhadda waxay rumeysan yihiin in aysan wax shaqa ah ku leheyn talada gobolka maadaama ay iyaga dagaal ku qabsadeen.

Madaxda dowlada KMG ee ku sugan Dhoobleey ayaa si diiran usoo dhaweeyey shalay wafdiga uu hogaaminayey Gudoomiyaha Gobolka Jubada Hoose ee dowlad goboleedka Azania ee uu hor boodayey Ilyaas Badal.

Balse Raaskambooni waxay ku adkeysaneysaa in aysan ogoleyn in Dhoobleey ama J/hoose aysan ku sugnaan karin awood aanan aheyn iyaga iyo dowlada KMG Soomaaliya.

Si Kasta ha ahaatee qilaafkaan ayaa dadka odoroso siyaasada ku sheegayeen mid culeyskiisa leeyahay,haddii uu sii socdo xagal daacin karo dagaalka ay ku jiraan dowlada iyo Raaskambooni.

SomaliSwiss     Dhoobley

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: