HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu ka socdo Banaanbax Balaaran oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya, islamarkaana lagu baraarujinayo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya colaadaha wuxuuna bannaanbaxan uu ka dhacay Barxadda Iskaashatada Gaadiidka Ex-fiyoore ee Muqdisho.
Sida uu warku uu sheegayo waxaa Banaanbaxani ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaana goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socota ururrada bulshada rayidka.
Sidoo kale dadka dibadbaxaya ayaa wata Boorar ay ku qoran yihiin hal kudhEgyo ka turjumaya ujeeddada Banaanbaxa kuwaasi oo ay ka mid yihiin “Dhalinyarooy ka soo baxa Al-Shabaab inta ay goori goor tahay, ku qabta gacan bir ah kuwa diiddan Nabadda iyo Diinta Islaamkaâ€.
Dhanka kale waxaa la sheegay in dadka isu soo baxay ay taageerayeen dilkii dhowaan loo geystay hogaamiyihii Ururka Al-Qaacida Usaama Bin Laden.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.