Dagaal culus oo shalay ka dhacay Garbahaarey, iyadoo ay xaaladda maanta degan tahay.

Halkaan ka akhri

Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo  oo shalay ka dhacay dagaal culus  ayaa la  sheegay in saakay xaaladda degmadaasi ay degan tahay, kaddib dagaallo socday in ka badan 7-saac oo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna oo dhinac ah iyo ciidamada xarakada Al-Shabaab, dagaaladaas oo ahaa kuwii ugu weynaa ee ka dhaca Garbahaarey isla markaana dhinacyada dagaalamaya aanay waxba isula harin, kuwaasi oo dagaallo fool ka fool ah isaga hor yimid gudaha degmada Garbahaarey.

Sida wararku ay sheegaan dagaaladan ayaa bilowday kadib markii ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay magaalada ku garaaceen madaafiic la sheegay inay qaarkood ku dhaceen guryo ay dad rayid ahi degan yihiin, waxayna Al-Shabaab ciidamadooda waxay lugta ku galeen gudaha magaalada, hase yeeshee ciidamada dowladda KMG ah ayaa kala hor yimid iska caabin aan horay loo arag iyo xeelado milateri noocii u dambeeyay, halkaasi oo la sheegay in ciidamada Al-Shabaab firxadkoodii iyagoo cararaya isaga baxay gudaha Garbahaarey iyagoo u jiheystay dhinaca Degmada Xudur iyo degaanno ka tirsan gobolka Gedo.

Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Guddoomiyaha gobolka Gobolka Gedo oo u waramay warbaahinta Soomaalida ayaa ka warbixiyay dagaalada ka dhacay degmada Garbahaarey, wuxuuna caddeeyay in ciidamada Dowladda KMG ah ay gudaha magaalada jab ugu geysteen ciidamada xarakada Al-Shabaab, isla markaana ay ku dileen Fu’aad Maxamed Qalaf (Shongole) iyo Sheekh Maxamed Bishaar oo ka mid ah saraakiisha sare ee Al-Shabaab iyo afar ka mid ah dagaalyahanada ajaanibta ah.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa  sheegay in dagaaladii ka dhacay degmada Garbahaarey ay ku dileen ilaa 73-ruux oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab  wuxuuna yiri isagoo arrintaas ka hadlayey “Ciidamada Dowladda waxay Garbahaarey ku dileen Fu’aad Shongole, Sheekh Maxamed Bishaar iyo afar ajaanib ah, meydadkoodana waan heynaa iyo dokumentiyadii ay wateen”.

Guddoomiye Kaliil wuxuu sheegay in degmada Garbahaarey ay si buuxda gacanta uga hayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna, wuxuuna sheegay in dagaalada ay ka bilowdeen weeraro is daba joog ah oo ciidamada Al-Shabaab ay ku soo qaadeen degmadaasi, weeraradaasi oo uu sheegay inay hoggaaminayeen saraakiil ay ka mid yihiin Xasan Daahir Aweys iyo Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Dhanka kale Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in afarta dagaalyahanada ajnabiga ka barbar dagaalamayay Shabaabka ay u kala dhasheen wadamada Ereterea, Pakistan iyo Algerian, wuxuuna intaasi raaciyay in ciidamada Al-Shabaab ay ku mintideen sidii ay meydadkooda u qaadan lahaayeen, hase yeeshee way u suurtageli weysay inay qaataan, inkasta oo weli aanay warar madax bannaan oo xaqiijinaya qasaaraha baaxadda leh ee Shabaabka ka soo gaaray Garbahaarey.

SomaliSwiss         Galbahaarey

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: