Xiisado dagaal oo wali ka oogan qaybo ka mid ah Gobolka Gedo.

Halkaan ka akhri

Xiisado dagaal  ayaa waxaa wali ka oogan yihiin qaybo ka mid ah Gobolka Gedo Xaalada  oola sheegay inay saaka degan tahay, kadib markii shalay deegaano ka tirsan dagaalo kulul ku dhex mareen Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Alshabaab ee ku dagaalamaya deegaanada Gobolkaas.

Warar la hubo ayaa sheegaya in socdaan abaabulo dagaal  iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh oo laga dareemay deegaano ka tirsan Gobolkaas, waxaana isa soo taraya Gurmadyada Ciidan ee Shabaabka u dirayaan deegaanadaas.

Hase yeeshee Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dagaaladii shalay ka kala dhacay deegaanada Buur-gaduud ee galbeedka Garbahaarey iyo dhanka deegaanka Yurkud uu ka dhashay qasaare xoog leh oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamayay.

Sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, in dagaaladii shalay ay ku qabsadeen labo ka mid ah gaadiidka dagaalka, ayna wali ku sugan yihiin deegaanada dagaalka ka dhacay sida Tuulada Barwaaqo iyo deegaano kale oo ku xeeran Garbahaarey.

Wuxuu kaloo Abuu Muscab uu xusay in khasaare xoog leh ay u geysteen Ciidamada Dowladda, isla markaana ay meydad fara badan uga carareen goobihii lagu dagaalamay.

Balse dhinaca kale Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa isna dhankiisa sheegay in dagaalka ay iyagu qaadeen, markii Shabaabka gooyeen wadooyin looga maro gobolkaas, waxaana uu cadeeyay in Ciidamada Dowladda ay wali ku sugan yihiin deegaanadoodi.

Si kasta ha ahaatee guulaha ay kala sheeganayaan labada dhinac ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalo qaraar maalmihii la soo dhaafay ku dhex marayay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, oo xilligan inta badan gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda.

SomaliSwiss    Galbahaarey

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: