Shaqaalaha Caalamka oo maanta si kala duwan u xusay maalinta 1-da Maajo ee 2011-ka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Maanta oo ah Maalin si gaarka lagu maamuuso xuquuqda Shaqaalaheweynaha Caalamka ayaa meelo badan oo caalamka ka tirsan looga xusay Maalintan qadarinta leh ee lagu maamuusayo Sharafta ay leedahay Shaqada  oo ah muhiimadda labaad ee nolosha.
Gobollada Dalkan Switzerland oo dhan ayaa si weyn loogu xusay Maalinta 1da Maajo, gaar ahaan waxaa magaalooyinka Zürich, Bern, Geneve, Basel, Lausanne iwm ah, hase ahaatee magaalada Zürich waxaa Bundeska uga soo qayb gashay Wasirada arrimaha Dibedda Federaalka Swisska Marway Micheline Calma-Rey.
Hase yeeshee sida ay sheegeen Ururrada shaqaalaha Switzerland ayaa waxay sheegeen in halkudhigga Sanadkan uu yahay Kordhinta Mush-haaraadka shaqaalaha.
Dhanka kale Mas’uuliyiinta Federaalka ayaa waxay Sanadkan isu qaybiyeen Kantoonada si ay ugula qayb galaan xuska iyo dibadbaxa lagu qiimaynayo maalinta shaqaalaha ee 1da Maajo.
Hase yeeshee waxaa xusid mudan  in la xuso xaaladda shaqaala Soomaaliyeed tan iyo markii ay meesha ka baxday Xukuumaddii ALLE ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre ma jirin xus weyn oo loo sameeyey Maalinta 1-da maajo, balse  xiligaas oo loo dhigi jiray fantasiyo weyn iyo Barnaamijyo gaar ah oo lagu weyneynayo Shaqaalaha Soomaaliyeed.
“Shaqaalaha Aduunkow Midooba,Shaqaaluhu waa lafdhabarka Bulshada,Shaqaa Sharaf leh”iyo halkudhigyo iyo barnaamijyo gaar ah ayaa loo sameyn jiray.  
Sida lagu xusuusto heesihii caanka ahaa waa maalinteydii maajo,waa maalintaadii maajo waa maalinteenii maajoo maayoo,i yo  aan kuu sheegee Shaqaaluhu waa Sharaftii dhulka Sharaxeysay,waa kuwa Shiila Camuudee kala Shuba ee ka soo Shaandheeya macdantee iyo kuwo kale oo aan lasoo koobi kareyn.
Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay fasax yihiin shaqaalaha Dowladda KMG, xilli maanta ay ku beegan tahay maalinta shaqaalaha Aduunka ee 1-da May.
C/nuur Macalin Maxamuud oo ah Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, ahna Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa waxaa uu hambalyo ku aadan maalintan u diray shaqaalaha, isagoo sheegay inay tahay maalin mudan in loo dabaal dego.

Haddaba 1-da Maajo  waa maalin xusuus mudan, waa maalintii shaqaalaha, sidaas darteed dhamaan shaqaalaha Dowladda ayaa maanta la fasaxay, waxaana sameyn doonaan munaasabado aan ugu dabaaldageyno ayuu yiri Wasiirka.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: