Madaxweyne Sheikh Shariif oo Booqasho dhiir gelin ah ku tegay fariisimaha difaaca hore ay ciidamada dowladdu kaga jiraan degmooyinka G/Banaadir.

Halkaan ka akhri

Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ay wehliyaan wasiir-u-dowlaha gaashaandhigga Cabdi Max’ed Abtidoon, taliyaha ciidamada Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo saraakiil ka tirsan DKMG ah iyo AMISOM ayaa shalay iyo maantaba booqasho ku tagay fariisimaha difaaca hore ee ay ciidamada dowladdu kaga sugan yihiin degmooyinka G/Banaadir,  gaar ahaan  Boondheere, Hodan iyo Howlwadaag.

Sidoo kale Shekh Shariif iyo xubnaha la socday ayaa waxay socod ku mareen dhowr fariisin oo ay ku sugnaayeen ciidamada DKMG ah iyo dhufeysyo ku yaalay degmadaas oo la sheegay in laga saaray xoogagga Xarrakatul Shabaab.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo la hadlayay ciidamadii uu kula kulmay fariisimahaas wuxuu yiri: “Waxaad sameyseen dulqaad iyo geesinimo – waxaadna ku samarteen duruufo badan, laakiin waxaa la idin kaga baahan yahay inaad salaadda tukataan oo aad joojisaan isticmaalka jaadka iyo wixii la midka ah akhlaaqdiinana aan wanaajisaan,”.

Dhanka kale Madaxweynuhu wuxuu u sheegay ciidamada inay yihiin kuwo ay dadka Soomaaliyeed ka sugayaan inay dalka nabad kusoo celiyaan, isagoo xusay inaan loo baahnayn in dadka ay dhibaateeyaan taas badalkeedana ay u gargaaraan.

Sheikh Shariif oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Haddii la arko askari labisan qof walba wuxuu is-leeyahay tolow muxuu damacan yahay, idinka ayaa la idin kaga baahan yahay inaad shacabka ka saartaan fikirkaas aadna ogaataan inaad tihiin kuwo naftooda u hibeeyay dadka iyo dalka Soomaaliya”.

Hase yeeshee Sheikh Shariif  oo aaga hore dagaalka degmada Boondheere kula hadlayay Ciidamadda ayuu wuxuu ku yiri: “Ciidamadiina waxaad Naftiina u hurteen Daafaca Dalka,dadka iyo Diinta mana jirto howl ka culus ee la qabto waayo dadku Markey hurdayaan waa soo jeediin markay dhergaan waxaa laga yaabaa inaad nafta wax yar ku ceshataan xilli kulayl ama roob lagu jiro waana idinku amaaneynaa”.

Balse wuxuu Madaxweynuhu kula dardaarmay Ciidamadaasi inay ilaaliyaan Anshaxa iyo Dishibiliinka yaasoo ah muhiimadda koowaad ee laga rabo ciidanka waayo ayuu ayiri Askari lebisan oo Qyilaya  waa Anshax xumo isagoo kula balamay in inta cunta Qaadka  inay iska joojiyaan kaasoo uu sheegay inuusan faa’iido lahayn.

Gebagebadii madaxweyne Shariif ayaa Ciidamadda u balan qaaday in la siin doono dhamaan waxyaabaha Daruuriga ah ee ay u baahan yihiin si ay ugu fududaato Gudashada waajibaadka Culus ee saran.  

Ma ahan markii ugu horreysay uu Madaxweyanaha dowladda KMG Soomaaliya uu  booqasho ku tago fariisimaha ciidamada ee ku yaalla degmada Boondheere iyo meelaha kale oo ka mid ah wasaaraddii hore ee gaashaandhigga iyo kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad oo ay ku sugan yihiin ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM, hase ahaatee booqashoooyin uu ku tagayo Madaxweynuhu xeryaha ciidamada ayaa bilaawatay kadib markii uu magacaabay R/wasaare Madaxed C/llaahi Farmaajo, waxuuna sh. Shariif uu sheegay in talaabadan ay tahay mid ay dowlada KMG ah ku doonayso inay dib u soo celiso nabaddii Soomaaliya 20-sano kaddib.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: