Maamulka Al-Shabaab ee degmada Jowhar oo xabsiga dhigay dhallinyaro fara badan.

Halkaan ka akhri

Maamulka xarakada Al-shabaab ee Shabeelada Dhexe ayaa  magaalada Jowhar waxaa ay ku soo qabteen Tiro dhalinyara ah oo lagu eedeeyay in ay u hoggaansami waayeen amarro iyo go’aanno ay xarakadu hore uga soo saartay magaladaasi Jowhar, iyadoo ay kala duwan yihiin wax yaabaha loo haysto dhallinyaradaas oo qaarkood lagu Eedeeyay in ay garka Xiirteen qaarna ay sida Reer Galbeedka u jarteen halka qaar kalena ay Saraawiisha gaabsan waayeen.

Maamulka xarakada ee Jowhar ayaa Dhalinyaradaas Xabsiga dhigay, waxaana la sheegay dhawaan lasoo taagi doono Maxkamad Al-shabaab ee Jowhar laguna xakumi doono, wixii uu qabo sharcigaasi, iyadoo Saraakiishii hoggaaminaysey hawl galka lagu soo qab qabtay dhallinyaradaas ay  sheegeen in ay sii wadayaan tallaaboyinkan ay kula dagaalamayan falalka ay sheegeen in ay ka soo hor jeedaan awaamiirta xarakadu kusoo rogtay degaankaas.

Maamulka xarakada Alshabaab ee magaalada Jowhar ayaa hore ugu soorogay Dumarka magaalada Jowhar in ay ay qaataan Dharka Xijaabka iyo Iskaalshooyin taasoo maanta aad arkayso Haweenka magaalada Jowhar in arrintaas ay fuliyeen guud ahaan  haddii ay ku qanacsanaayeen iyo haddii akleba, iyagoo wada gashan Xijaabyo nuuc gaar ah oo lagu gado dukaamo ay leeyihiin xarakada dad taageera iyo sidoo kale Iskaalshooyin.

SomaliSwiss Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: