Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhiga oo sheegay inuu socdo dadaalo lagu mideynayo ciidamada dowladda KMG iyo kuwa taageeraya.

Halkaan ka akhri

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Dowladda KMG ayaa shaaca ka qaaday inuu socdo dadaalo lagu mideynayo Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa taageeraya ee Ahlusuna iyo Raaskambooni, kuwaasoo si wada jir ah dhaq-dhaqaaq ciidan iyo dagaalo uga wada Gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale C/rashiid Maxamed Xidig oo ah Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaashaandhiga oo haatna ku sugan magaalada Dhoobley ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo qorshayaal lagu mideynayo cududa ciidan ee dagaalka ka wada Goboladaas, isagoo cadeeyay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa taageeraya ay iminka isku meel uga soo wada jeedaan la dagaalanka Shabaab.

Wasiir kuxigeenka ayaa sheegay in kulamo badan ay u socdaan saraakiisha Dowladda iyo kuwa Raaskambooni oo dhowaan si wada jir ah gacanta ugu wada dhigay degmada Dhoobley, waxaana wararku sheegayaan in kulamadaas haatan gabo gabo ku dhow yihiin

C/rashiid Xidig oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: ” Meel wanaagsan bey marayaan qorshayaasha ku aadan mideynta Ciidamada, waxaana dhowaan la sameyn doonaa in Ciidamada dhamaantood la qarameeyo”

Hase yeeshee dadka ka faalooda habka dagaalada Soomaaliya u socdaan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda KMG, kuwa Ahlusuna iyo Raaskambooni ayaa hada u muuqda inay u howl galayaan qaab qabiil, marka loo eego gobolada ay ka dagaalamayaan, waxaana horay dhalinyaro ahaan loogu soo kala uruuriyay deegaanda ay deegaan, ka hor inta aan tababar ciidan lagu siin gudaha dalka Kenya.

Inkastoo Ciidamada isku hadafka ah yihiin kuwo loo soo tababaray hab Ciidandan, hadana waxaa muuqata inay kala aragti duwan yihiin, marka loo eego Ciidamada Raaskambooniyiinta oo ahaa garab ka mid ah islaamiyintii, kuwaasoo markii dambe dagaalo uga soo saareen Jubooyinka Xoogaga Alshabaab.

SomaliSwiss       Dhoobley

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: