Magaalada Nairobi oo lagu soo gabagabeeyay Mu’tamarkii koowaad ee ay soo qaban qaabisay Jimciyada Hormarinta dhaliyarada kenya.

Halkaan ka akhri

waxaa magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay Mu’tamarkii koowaad ee ay soo qaban qaabisay Jimciyada Hormarinta dhaliyarada Wadanka kenya ee marka magaceeda loo yaqaan YOKESO, wuxuuna Mutamarkan uu soconayey muddo 4 maalmood ah .

Sidoo kale waxaa furintaankii Mu’tamarkan oo ah kii koowad waxaa ka soo qayb galay mas‘uuliyiin sar sare oo ka tirsan Xukuumada Kenya, Gaar ahaan Golaha wasiirada xubno ka tirsan, sida wasiirka Gaashaandhiga Kenya Mudane Mohamed Yusuf Hajji , Wasiirka hormarinta gobolada waqooyiga kenya Mohamed Ibraahim Elmi iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka demgada Kamkunji ee ay xaafada Islii ka tirsan tahay.

Meesha ama barta lagu qabtay Jimciyada oo ahayd Eastlight High School ayaa waxaa lagu dhisay Teendooyin waa wayn oo loogu tala galay Raga iyo dumarka in ay kala fariistaan, waxaana mu’tamarkan ka soo qayb galay ku dhawaad 2000 oo qof, sidaas waxaa warbaahinta u caddeeyey Abdullahi Sharif oo ah Gudoomiyaha Jimciyada YOKESO.

Dhanka waxaa mu’tamarkan maxaadarooyin ka jeediyay culumaa’udiin ka kala yimid qaybo ka mid ah wadamada bariga africa, waxaana ka mid ahaa Muftiga guud ee Jamhuuriyada Jabuuti Sheikh Osman Hassan, Sheikh Ahmed Hassan Al Qudubi oo ka yimid dalka Sudan isla markaasna ka mid ah culumada ugu waa wayn Soomaalida culumadooda, Shiekh Isma’iil Abdi Hurre Isma’iil dheeg oo ka yimid Hargaysa Somaliland isla markaana ka mid ah culumada ugu cad cad ee Somaliland, Shiekh Ali Mohamed Shiekhy oo ka yimid Dalka Masar, Shiekh Abdullahi Yusuf Ali oo ka mid ah Culumada Reer Kenya gaar ahaana Nairobi iyo Sheikh Ahmed Hussein Isalio oo ka mid ah culumda Kenya isla markaasna hada degan dalka Tanzania.

Sidoo kale Mu’tmarka ayaa waxaa lagu soo bandhigay muxaadarooyin dhab ahaantii ay dadkii dagaysayay u riyaaqeen. Waxaama ka mid ahaa muxaadarooyinkaasi;

– Qaabka ugu wanaagsan ee khilaaf marka uu yimaado islaamka xaliyo oo jeediyey Sheikh Ismail Dheeg

– Kaalinta ay dhalinyardu ku leeyihiin homarka umadaha oo jeediyey Sheikh Osman Hassan

– Dhibka ay leedahay ku talax tagida iyo ku xad dhaafsiinta diinta islaamka oo jeediyey Dr Ahmed Qudubi,

– Qaybyaaladaynta diinta iyo dhibkka ay ku haysto umada Soomaaliyeed oo jeediyey Shiekh Ahmed Isiolo

– Kaalinta Haweenaydu Islaamka ku leedahay oo jeediyey Shiekh Abdullahi Yusuf,

Hase yeeshee gabagabadii kulan ayaa dadkii ka soo qayb galay mu’tamarka looga jawaabay dhamaan su’aalihii ay soo qorteen, wuxuuna ku dhamaaday jawi ad u wanaagsan.
SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: