Dagaalo looga adkaaday xarakada Al-Shabaab oo shalay ka dhacay deegaano ku yaala G/Gedo.

Halkaan ka akhri

Dagaalo jab-weyn ka soo gaaray  Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii ka dhacay deegaanka Togga Bohol Bashiir oo dhowr iyo 20Km u jirta degmada Luuq ee Gobolka Gedo, Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG iyo Xarakada Alshabaab, kadib markii Ciidamada Dowladda ay ka soo dhaqaaqeen degmada Luuq Ganaane, halkaas oo ay in muddo ahba ay ku sugnaayeen Ciidamada.

Wararka dagaalkan  ayaa  sheegaynin in ilaa haatan aan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee uu geystay, hase yeeshee waxaa la xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda ay si aad ah ugu durgeen dhanka deegaanada Gobolka Bay.

Sidoo kale War aan ka helnay dadka deegaankaas ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay ku sugan yihiin deegaanka Tuulada Yurkud, taasoo caddeynayso in Shabaabka ay hada u muuqdaan kuwo lagala wareegayo deegaano hor leh.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin deegaano ka tirsan Gobolada Bay iyo Bakool, si ay u qabsadaan, waxaana Goboladaas ka jira dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabulo dagaal oo aad u xoogan.

Xarakada Alshabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay ay gacantooda ka baxeysa deegaano muhiim ahaa, kadib dagaalo dhaawacyo xun ka soo gaaray ay kula galeen deegaano ka tirsan Gedo iyo Jubada Hoose ay keentay inay faarujiyaan magaalooyin qaar dagaal la’aan.

Dhanka kale Wararka ka imaanaya Gobolada Bakool iyo Bay ayaa sheegaya in Ciidamada Shabaab ee ku sugnaa degmooyinka Waajid iyo Bardaale ay xalay isaga baxeen halkaas, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn ujeedada ay uga baxeen, xilli dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ku wajahan Gobolkaas ka socdaan deegaanada xuduuda iyo degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Sida ay sheegayn dadka deegaanka in Ciidamada  Xarakada Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ay xalay faarujiyeen degmooyinkaas, waxaana aan la ogeyn halka ay abaareen, waxaana ka bixitaankooda ay aheyd mid qeyb ka ah goobo maalmihii u dambeeyay ay faarujinayeen Shabaabka.

Si kasta ha ahaatee dhq-dhaqaaqyada ciidan ee ku wajahan Gobolada Bakool iyo Bay ayaa la xiriira sidii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusuna ee is garabsanaya deegaanada Goboladaas ay  ugu saari lahaayeen, Xarakada Al-Shabaabka, waxaana dadka deegaanka xilligan cabsi iyo wal wal ka muujinayaan dagaalo ka qarxa Goboladaas oo ka mid ah meelaha abaaraha daran ka jiraan.

SomaliSwiss       Luuq

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: