Taliye ku-xigeen ciidamada Maraykanka ee Africa (AFRICOM) Anthony Holmes oo booqasho ku tagay magaalada Kigali ee wadanka Ruwanda.

Halkaan ka akhri

Sida ay qoreen wargeysyada ka soo dalka Ruwanda ayaa in Taliye ku-xigeen ciidamada Maraykanka ee Africa (AFRICOM) Anthony Holmes oo  booqasho ku tagay magaalada Kigali ee caasimada wadanka Ruwanda, waxayna dawladda wadankaasi kala hadlay sidii ay ciidamo ugu soo diri laheyd dalka Soomaaliya, maadaama  ay ka mid tahay wadamada ka qeyb qaatay hawl galada nabad illaalinta ee Midawga Africa ka wado Soomaaliya.

Sidoo kale Wakaaladda wararka Shiinaha ee ee Shinwaa ayaa sheegtay in Taliye ku xigeen ciidamada Maraykanka ee Africa ee AFRICOM Anthony Holmes uu kala hadlay madaxda xukuumada Ruwanda ay ku biiraan hawl galka AMISOM ee Soomaaliya ka socda, sidoo kale ka wada hadleen xaaladaha amaan ee Soomaaliya ka jira.

Warku intaa ku darayaa in Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhiga dalka Ruwanda oo lagu magaciisa lagu sheegay  Korneyl Jil Ruwataremara ayaa sheegay inay kulan gaar ah oo ay magaalada Kigali ku yeesheen sarkaalkaan ka tirsan taliska AFRICOM iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga Ruwanda ay isla qaada dhiigeen arrimo badan oo la xiriira amaanka wadamada ku yaala bariga Qaaradda Africa gaar ahaan wadanka Soomaaliya.

Dhanka kale Afhayeenku wuxuu sheegay in kulan saacado qaatay oo ay yeesheen Anthony Holmes iyo wasiirka gaashaandhiga Rwanda James Kabarebe ay ka wadleen arrin la xiriirta sida ay dawlada Rwanda ugu biiri karto wadamada ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada lagu magacaabo AMISOM.

Hase yeeshee Afhayeenku ma uusan sheegin in dowladdiisu ay aqbashay iyo inkale soo jeedinta sarkaalka Maraykanka ka tirsan, balse waxaa uu xusay inay daneynayaan arrimaha amaanka Somaaliya sidii wax looga qaban lahaa.

SomaliSwiss      Kigali

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: