Munaasabadda Arooska Prince William iyo gabadha uu jecel yahay Kate Middleton oo maanta si qurux badan oo la yaab leh ugu dhacday London UK.

WATCH LIVE FROM HERE

Halkaan ka akhri

Waxaa ayaamahan dalka Britain ka socda qaban qaabada howlaha munaasabadda Arooska reer Boqor ee Prince William iyo gabadha uu jecel yahay ee la yiraahdo Kate Middleton waxaa indhaha caalamka soo jiitay, iyadoo munaasabadda meherka ee Arooska Prince William iyo Kate Middleton ay maanta ka qeyb galayaan kumanaan ruux oo lagu casuumay.

Waxaa lagu soo warramay in munaasabadan lagu casuumay marti-sharaf tiradooda gaarayso Ilaa 2000 oo qof kuwaas loogu tala galay in si rasmi ah ugu soo qayb galaan Arooska reer boqor, waxayna marti-sharaftan  iskugu jiraan qoyska boqortooyada, qoyska reer Middleton, saaxiibada Kate iyo William, dad magac iyo sharaf ku leh dalkan Ingiriiska iyo dibadda, iyo weliba madax ka kala socota ilaa 50 Wadan.

Waxaa sidoo kale la sheegay in dad  lagu qiyaasay ilaa 600,000 oo ka tirsan dadweyaha caadiga ah ayaa iskood isu xil-qaameen ee doonaya inay ka qayb galaan Munaasabadda Arooskaas, waxayna dadkan ka kala yimaadeen gudaha dalkaBritain iyo qaar ka mid ah dalalka kale ee reer Yurub iyo Maraykan, si ay goobjoog ugu noqdaan munaaabaddan.

Hase yeeshee waxaa la sheegay in Suxufiyiin lagu qiyaasay ilaa 8,000 oo ka kala tirsan saxaafadda kala duwan ee Caalamka ayaa iyaguna ku soo qulqulayey maalmahan danbe magaalada London, una imanayey Arooskan reer boqor. Waxase la sadaalinayaa in dadweyne gaadhaa iaa 2 bilyan oo qof oo adduunka ka tirsani ina ka daawan doonaan arooskani television-nada iyo warbaahinta adduunka.

Waa Munaasabaddii ugu weyneyd ee nooceeda ahayd oo dhacday 30 sano ka hor dalkan Ingiriiska, markii Prince William aabbihii iyo hooyadii, Prince Charles iyo Lady Diana ay is guursadeen sanaddii 1981. Waxana sanadkaasi telifishannada Caalamka ka daawanayey ilaa 750 milyan.

Dhanka kale Prince William iyo Kate Middleton ayaa la sheegay inay wada socdeen oo ay saaxiibo ahaayeen sannooyin badan, waxayna isku barteen jaamacaddii ay ku wada jireen, Munaasabadda arooskooduna waxay si rasmi ah u bilaabatay saaka 8 subaxnnimo ee Jimcaha saacadda London, waxana merehrkooda rasmiga ahi uu ka dhacayaa kanisadda West minister Abby sacaaddu marka ay tahay 11:00 ka. Ka bacdina waxa loo gelbin doonaa Qasriga Boqortooyada ee Buckingham Palace, halkaasi oo lagu qaban doono xafladda Arooska.

Sida Caadada u ah galbiska Arooska iyo Aroosadda, waxa ka qaybgelaya cutubyada fardoleyda iyo ciidamada salaan-sharafta ee boqortooyada, iyo diyaaradaha ciidamada cirka ee dalkan Ingiriiska. Ilaa 5000 o ka tirsan ciidamada bileyska iyo nabadgelyada ayaa heegan laga dhigay, 1000 ka mid ah ciidamadaasina waxay tuban yihiin labada dhinac ee jidka la sii marinayo lammaanaha arooska ah marka la gelbinayo. Waxa kale oo la adeegsaayaa ilaa 50 eey oo ah kuwa wax uriya.

Sida Waiilka SomaliSwiss oo ka qayb galay munaasabadaas inoo soo sheegay in qaar ka mid ah Jidadka, gaar ahaan degaannada West Minister iyo Buckingham Palace ayaa Ciidamada Amniga ay ka xireen baabuurta iyo gaadiidka kale.

Si kasta arrintu ha u dhacdee waxaa Television-nada iyo idaacadaha caalamiga, si toos ah u soo tebinayeen saaka munaasabadaha arooskan Qoyska reer Boqor. 

SomaliSwiss       London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: