Shirweynihii Sadexaad ee ururka Jaaliyadda Soomaalida oo lagu qabtay magaalada Zürich.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Waxaa taariikhda marki ay ahayd 24-ka bishan April 2011-ka Magaalada Zürich lagu qabtay Shirweyne lagu Cusboonaysiinayo Guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zürich, waxaana ka soo qayb galay dad  aad utira badan oo isugu jira rag iyo haween. 

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen Guddigii hore ee jaaliyadda Kanton Zürich oo is casilay, iyadoon dhamaysanin muddadii loo egmaday, taasoo keentay in guddigu ay isku khilaafeen qaabka maamulka iyo nidaamka Dastuuriga ee ay Jaaliyadda ku dhisan tahay.

Khilaafka hareereeyey Guddiga Jaaliyada Zürich ayaa waxay Caddeeyeen inay ka soo bixiwaayeen howshii loo xilsaaray  oo ahayd isu keenidda iyo midnimada Soomaalida, wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta Jaaliyadda Kanton Zürich. 

Ugu horreyntii waxaa furitaanka shirka Aayado quraanka Kariim goobtaas ka akhriyey Axmed Saalima, kadibana waxaa Wacyi gelin Diini ah Kulanka ka  jeediyey Sheikh Yaxya oo ah Sheikha Magalada Zürich.

Sheikh Yaxya wuxuu si aad ah ugu dheeraaday waxa diinta Islaamka ay ka qabto Midinimada Umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kanton Zürich, wuxuu si gaar ah uga cel-ceiyey in si xun loo qaatay ku dhaqan Qabiilka,balse loo baahan yahay in laga fogaado waxa qofka Muslimka u keeni karo Aakhiro beel.

Sidoo kale Sheikhu wuxuu Jaaliyadda Soomaalidu ku  waaniyey, kuna dardaarmay inay ku midoobaan Diintooda, Soomalinimada iyo danahooda, wuxuuna Soomaali ugu duceeyey, kheyr badan iyo inay noqdaan kuwii qabsada Xariga Ilaahay iyo Sunnada Nabi Maxamed CSWS.

Kadib waxaa hadalkii lagu wareejiyey Guddoomiyihii hore ee is Casilay Mudane C/llaahi Maxamuud Qalimow, wuxuuna si kooban uga hadlay wax qabadka iyo khilaafkii soo dhex kala galay Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda, sidoo kale waxaa warbixinno ka jeediyey Kulankaas qaar ka mid ah Guddigii Xilka wareejinayey waxayna si kookooban uga hadleen waxyaabihii dhacay muddadii ay xilka hayeen.

Intaas kadib  waxaa la soo saaray Guddigii hagi lahaa howlmaalmeedka Shirka, hase ahaatee waxaa goobtaas laga waayey dad si  isa-soo sharaxo jagooyinkii ka bannaanaa Hoggaanka Jaaliyadda, balse markii danbe waxaa laga fursan waayey in si khasab ah iyo codsi isugu jiray lagu magacaabay xubnihii sii wada lahaa Jaaliyadda, iyagoo diidan oo cudur daaranaya, kana caga jiidaya oggolaashaha howshaas.

Balse waxaa mudan in la xuso, in ka soo qayb galayaasha Shirku ay u badanaayeen dad dhallinyaro ah, hase ahaatee sidoo kale waxaa isweydiin karaa waa maxay sababtii ay uga maqnaayeen dadka odayaasha ah oo horay u joogeen Kantoonka ee ah dadka qoysaska caruurta badan ku haysta magaalada Zürich ee talada ka gò’da??.

Si kasta  ha u dhacdee arrintu waxaa xilkii jaaliyadda Kanton Zürich cod kalsooni ah oo si wada jir ah loogu magacaabay dadka magacyadooda Hoos ku qoran :

1 – Xaawo Nuur Muudey – Guddoomiyaha Jaaliyadda

2 – Dr. Axmed Dhicisow Daauud – Gud. Ku-Xigeenka Jaaliyadda.

3 – Xaashi Yaasiin Cismaan – Xoghayaha waxbarashada iyo Is-dhexgalka ( Integration).

4 – Saciido  Dhaqane  – Xoghayaha  Maamulka Xisaabaadka (Lacag-haye) 

5 – Ijaabo Max’ed Cosoble  – Xoghayaha Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

6 – Cabdullaahi ….. – Xoghayaha Maamulka iyo Maareynta

7 – ……………………. Xoghayaha dhallinyarada iyo Sportiga

Balse sidoo kale waxaa jira laba boos oo ka bannaan Guddiga Kormeerka iyo daba-galka Xisaabaadka, kuwaas oo dib loo soo magacaabi doono haddii Eebe Idmo.

Shirweynaha Ururka Jaaliyadda Kanton Zürich oo dhacay 24/04/2011ka.

SomaliSwiss    Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: