Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed oo kormeer ku tegay wasaaradii hore ee Gaashaandhiga.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa kormeer ku tegay Xaruntii Wasaaradii hore ee Gaashaandhiga ee ku taal Jidka Warshadaha, halkaas oo bishii Febraayo ay dagaal kula wareegeen Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Brundi kuwaas oo ka qabsaday xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale booqashada Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyay Saraakiisha sar sare ee Ciidamada AMISOM, Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Gen. C/qaadir Sheikh Cali Diini iyo Saraakiil kale.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray Xerada waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo halkaasi kusugnaa.

Sidoo kale Madaxweynaha waxaa uu soo kormeeray dhismaha xarunta Wasaarada Gaashaandhiga, waxaana uu si weyn ugu amaanay Ciidamada AMISOM iyo kwua Dowladda dadaalkii ay sameeyeen.

Madaxweyne Shariif ayaa hadal uu saxaafada ku siiyay Dhismaha Wasaarada Gaashaandhiga ayuu sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM inay horumar weyn sameeyeen, isagoo xusay in ay si buuxda ula wareegeen Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga oo fariisin u aheyd Al-Shabaab.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay in booqashadiisa ay tahay mid uu ku dhiira gelinaya Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana uu cadeeyay in howl galada soconaya ay yihiin kuwo ka socda dalka oo dhan, sidii looga saari lahaa Al-shabaab.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in howl galada ay wadaan AMISOM in guulo laga soo hoyay, isagoo u mahad celiyay dalalkii soo diray Ciidamada, waxaana uu intaa ku daray in dhiiga iyo dhdidka ay bixiyeen Ciidamada aanay ogolaan doonin in la bur buriyo.

Hase yeeshee Madaxweynaha intuu booqashada uu ku jiray ayaa wuxuu tagay Kulyada Jaalle Siyaad, halkaas oo kulan ay dibad joog ka aheyd saxaafada kula qaatay Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

Madaxweynaha ayaa intaas kadib waxaa uu saxaafada halkaas uga sii warbixiyay kulanka uu la qaatay saraakiisha, isagoo sheegay in ujeedka uu ahaa inay sagootiyaan Ciidamada baxaya iyo Saraakiisha, isla markaana ay soo dhoweynayan Ciidamada iyo saraakiisha cusub oo lagu bedelayo kuwii hore.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: