Golaha Baarlamaanka dalka Uganda oo ansixiyay in Soomaaliya loo diro ciidamo cusub oo dheeraad ah.

Halkaan ka akhri

kulan ay yeeshay Golaha Baarlamaanka dalka Uganda ayaa waxaa looga hadlay xaaladda ciidamada Uganda ee jooga wadanka Soomaaliya,  iyo waxyaabihii ay qabteen mudadii ay Soomaaliya ku sugnaayeen, waxaana fadhiga Mudanayaasha Baarlamaanka Uganda ka soo qeyb galay Taliyaha ciidamada Dowladda Uganda Gen. Ktumba Wmala, oo halkaasi ka jeediyay khudbad uu uga hadlay xaaladda AMISOM, gaar ahaan ciidamada wadankiisa.

Mudanayaasha Baarlamaanka wadankaasi ayaa waxaa warbixin la xiriirta howlgalada ciidamada AMISOM ay ka wadaan magaalada Muqdishoka dhegeysteen Taliyaha ciidamada wadanka Uganda, wuxuuna si faahfaahisan uga warbixiyey in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho ay ku geeriyoodeen ku dhowaad boqol askarta ka socota dalka Uganda, wuxuuna sidoo kale sheegay in tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Gen. Ktumba Wmala oo arrintaas ka hadlaya wuxuu yiri: “Dagaaladii ugu dambeeyay ee ciidamada AMISOM Muqdisho kula galeen maleeshiyada Al-Shabaab waxaa ku geeriyooday 90-Askari, waxaana ku dhaawacmay boqol askari” wuxuuna sheegay in taasi bedelkeeda ay horumar ka sameeyeen ciidamada AMISOM dagaalada Muqdisho, isla markaasina ay la wareegeen fariisimooyin dhowr ah oo Shabaabku horay u heysteen.

Hase yeeshee Kulanka Baarlamaanka wadanka Uganda, ayaa Xildhibaanada waxay ku ansixiyeen in la kordhiyo tirada ciidamada wadankooda ee Soomaaliya ka wada howlgalada ammaanka iyo nabadda dib loogu soo celinayo, isla markaana lagu taageerayo Dowladda KMG ah ee tabarta yar, isla markaasina ay u codeeyeen in Soomaaliya la geeyo ciidamo tiradoodu dhan tahay 4000-Askari kuwaasi oo lagu biirinayo ciidamada AMISOM ee horay u joogay magaalada Muqdisho

SomaliSwiss        Kampala

SomaliSwis@hotmail.com

%d bloggers like this: