Ciidamada dowladda KMG oo la wareegay gacan ku haynta magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Halkaan ka akhri

Magaalada Garbahaarey oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxay Wararku ay sheegayaan in dagaallo culus ay ka dhacay degaan lagu magacaabo Tuulo Barwaaqo oo 20Km u jirta Garbahaarey ay ka dhaceen dagaallo fool ka fool ah oo u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo xarakada Al-Shabaab, waxaana dagaaladaasi la sheegayaa inay ku awood roonaadeen ciidamada Dowladda kuwaasi oo la wareegay gebi ahaanba magaalada Garbahaarey oo ah goob istiraatiiji ah u gobolada Gedo iyo Jubooyinka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagaalada ka dhacay degaanka Tuulo Barwaaqo ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen, kaddib markii ciidamada xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada Dowladda ay ku lahaayeen halkaasi, iyadoo weerarka Al-Shabaab uu sababay in farahooda laga bixiyo degmada Garbahaarey.

Sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda ee qabsaday Garbahaarey in si buuxda ay haatan ula wareegeen ciidamada Dowladda KMG ah magaalada Galbahaarey, kaddib dagaallo ay la galeen xarakada Al-Shabaab oo socday muddo ka badan hal saac, wuxuuna sarkaalkaasi tilmaamay inay ka gubeen gaadiid dagaal ayna qabsadeen gaadiid, hub iyo saanado milateri.

Cabdi C/llaahi oo ah sarkaalka u hadlay Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay dileen 35-askari isla markaana ay dhaawaceen tiro intaasi ka badan, hase yeeshee ilaa iyo iminka ma jiro warar madax bannaan oo xaqiijinaya qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaaladaasi, wuxuuna sarkaalku tilmaamay inay ku wajahan yihiin fariisimo ciidamada Al-Shabaab ay ku leeyihiin gobolka Gedo.

SomaliSwiss       Garbahaarey

SomaliSwis@hotmail.com 

%d bloggers like this: