Muuse Suudi, C/Qeybdiid, Mustaf Dhuxulow, Ciise Weheliye iyo Siyaasiyiin kale oo maanta weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Shariif.

HOOS KA DHEGAYSO CODADKOODA

Halkaan ka akhri

Shir maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Siyaasiyiinta, Waxgaradka, Saraakiisha iyo Xildhibaanada kasoo jeeda beesha Hawiye ayaa markii uu dhamaaday ka dib waxaa lagu sheegay qodobadii looga hadlay iyo go’aanadii lagu gaaray oo aad loogu weeraray Madaxweyne Shariif Sh. Axmad.

Masuuliyiinta shirtay oo u badnaa dad caana oo hore xilal usoo qabtay iyo hogaamiye kooxeedyo ayaa gunaanadkii shirkooda qoraal ay soo saareen waxaa Saxaafadda u aqriyay Xildhibaan C/laahi Max’ed Aadan (Fareey). Halkaan ka dhegayso  ama Halkaan:

 Kooxdaas ayaa qoraalkooda ku sheegay in Madaxweyne Sheekh shariif loosoo doortay in uu dalka ka xoreeyo Xarakada Al Shabaab markii lasoo dooranayay, hase yeeshee uu taas bedelkeeda u sahlay inay qabsadaan deegaanka Beesha Hawiye dagto oo aan markii hore gacanta ugu jirin Al Shabaab,marka laga reebo meelo yar oo Galgaduud ah, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Warsaxaafaeedkaasi kadib ayaa waxaa warbaahinta Muqdisho la hadlay Xidhibaan C/raxmaan C/shakuur kaasi oo ka dhawaajiyay in Beesha Hawiye ay leedahay go’aankeed islamarkaana ciddii doonto ay dooranayso, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Beesha Hawiye ay soo dhawaynayso cid waliba oo ilaalinaysa Axdiga KMG Soomaaliya.

 Nimanka shiray oo ay ugu cad cadaayeen, Muuse Suudi Yalaxoow, Ciise Weheliye Maalin, Cabdi Qeybdiid, C/raxmaan C/shakuur iyo kuwa kale oo fara badan ayaa madaxweynaha usoo jeediyay inuu aqbalo go’aanka baarlamaanka xilkana isaga dego marka waqtigiisu dhamado ama isa soo sharraxo.

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Sheekh shariif intii ay jirtay aysan soo kordhin wax faa’iido ah, xittaa ay diidan tahay in la qaban qaabiyo doorashooyin.

SomaliSwiss Muqdisho.
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: