Khilaafkii Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan oo uu ku soo kordhay mid kale oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.

Halkaan ka akhri

Khilaaf cusub ayaa u bilowday madaxweyne Shariif Sheekh axmad iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamad Farmaajo, kaas oo salka ku haya arrimo kala duwan, iyadoo uu hore khilaaf weyni u dhex yiil madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka.

Sida ay muujinayaan wararka laga helayo madaxtooyada iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada, Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha oo ka bilowday, Laba wasiir oo la doonayay in xilka laga qaado ayaa dhaliyay in khilaafka labada mas’uul oo u muuqday ul iyo diirkeed inay dhabarka is xejiyaan haddii aan labadooda mid tanasul la imaan.

Farmaajo ayaa doonayay inuu xilalka ka qado wasiirka Maaliyadda iyo arrimaha dibadda oo ay labadaba aad isugu dhow yihiin Madaxweynaha, isagoo sida wararku sheegayan ku eedeyay, in wasiirka Maaliyaduna lunsaday qayb ka mid ah lacago loogu dhiibay ururka dowladda la heshiiyay ee Raas Kambooniga Axmad Madoobe, halka Wasiirka Arimaha Dibadana lagu eedeyay, inuu si amar diido iyo madax adayg ah u maareyay, Diblomaasi uu geeyay safaradda Soomaaliya Mareykanka, iyadoo hore ninkaas loogu diiday inuu qabto jagadaas.

Si kastaba ha noqotee madaxweynaha ayaa arrimahaas oo dhan kasoo qaaday waxba kama jiraan, waxaana guul dareystay wada xaajoodyo hoose oo ay galeen qaar ka mid ah wasiirada oo labada dhinac ay isku wanaagsan yihiin.

Si kastaba ha noqotee khilaafkaan oo todobaad jirsaday ayaa hadda maraya in Ra’isulwasaruhu uu dalbado fasax bil ah oo uu ku tago, dalka Mareykanka taas oo loo fahmay siyaabo kala duwan, halka uu sidoo kale Mr. Farmaajo isku dayay inuu xiriir hoose la sameeyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, hase yeeshee khilaafka madaxweynaha iyo Wasiirka koowaad oo uusan la socon darteed ayuu ka diiday.

Arrintaan ayaa haddii ay sii socoto waxaa la dhihi karaa dagaalkii xayawaanimada ahaa ee dhex marayay Labada Shariif waxaa ku guulaystay, Shariif Xasanka Baarlamaanka, sababaha soo socda dartood.

Madaxweynaha Waxay is khilaafsan yihiin Baarlamanka, Waxay sidoo kale is khilaafsan yihiin beesha caalamka, waxay hadda is khilaafeen Wasiirka Koowaad, waxaa sidoo kale maanta qoraal ka dhan ah soo saaray Sodomeeyo nin oo ka soo jeeda beesha Hawiye, sidaas darteed waxaa lagu macnayn kara dagaalkii labada shariif waa lagu kala guulaystay haddii aan xal deg deg ah uusan dhex marin Sheekh Shariif iyo Ra’isul wasaaraha.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: