Fu’aad Shongole oo mar kale sheegay in Sheikh Shariif iyo Janaqow ay ka leexdeen jidka toosan.

Halkaan ka akhri

 Fuaad Maxamed Qalaf oo ku magac-dheer shongole kana mid ah Saraakiisha wacyi-gelinta iyo kicinta u qaabishan shabaab oo shalay ka hadlayay masjid ku yaala Deegaanka loo barakacay ee Ceelasha biyaha isagoo akhrinayey kitaab lagu magacaabo Sabiilul – Najaad ayaa sheegay in loo bahnayn in aan leysu dhiibin wax uu ugu yeeray cadawga.

Shongole ayaa sheegay in Sheikh Shariif iyo Sheikh Janaqow uu ku yaqiinnay Diin jaceyl, isagoo xusay inuusan fahmin waxa  bedelay dabeecadihii lagu yaqiinnay, waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoo hadalkiisa sii raciyay in Al-Shabab aysan shaqo ku lahayn wixii ay keenaan nimankaasi oo uusan sheegin waxa ay yihiin, isagoo ku dhaliilay in ragaasi ayuga baxeen ballan ay wada galeen oo uu sheegay inay ahayd wadada halganka iyo Jihaadka Islaamka.

Shongale oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Dhex-dhexaad baan nahay, Bulshadda rayidkaa ayan nahay, korkeenaa lagu dagaalamayaa, aaway Xuquuqul-insaankii QM iyo ereyadaas kuwa ku hadaqa waa mujrimiin war diinta ALLE iyo cadawgiisa miyaa dhex-dhexaad laga noqon karaa?”.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: