Maraykanka oo Madaxda Afrika u sheegay in ay diyaar u tahay la dagaalanka Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Dowladda Maraykanka ayaa u sheegtay Madaxda Afrika inay diyaar u tahay sidii dagaal loola gali lahaa Xarakada Al-Shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya iyo Urur-waynaha Al-qaacidda.

Sidaas waxaa shaaca ka qaaday Janaral Norton A. Schwartz   oo ah Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada Maraykanka ee u qaabilsan dhinaca Cirka, sida lagu soo warramay Sarkaalkan ayaa wuxuu kulan kula yeesheen  Magaalada Addis’ Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia Sarkaal ka tirsan Ururka Midowga Afrika, wuxuna  sheegay in Maraykanka uu diyaar u yahay in uu ka qeyb qaadato dagaaladaka socda Soomaaliya oo looga soo horjeedo Shabaab iyo Al-qaacidda.

Sidoo kale Sarkaalkan u hadlay dowladda Maraykanka ayaa sheegay in Hogaamiyayaasha Ururka Midowga Afrika gaar ahaan kuwa Milatariga ay isla meel dhigeen sidii Qaarada Afrika loogu soo celin lahaa amni iyo Xasilooni gaar ahaan dalka Soomaaliya.

Janaralku wuxuu sheegay in kulankaas la’isku afgartay sidii dowladda Maraykanka  ay Ururka Midowga Afrika kaga taageeri lahayd dhinaca Milatariga iyo la dagaalanka Al Shabaab oo dagaalada kula jira Xarakada Al Shabaab sida ay hadalka u dhigeen.

Hase yeeshee Jeneral Norton A. Schwartz  oo arrimahaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Waxaan diyaar u nahay in aan gacan siino dhinac waliba hadii ay ahaan lahayd sahyada iyo Milatariga, waxaa loo baahanyahay in xal laga gaaro dhibaatooyinka iska soconaya ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya, dowladda Maraykankana way ka go’antahay inay ka hortagto Al Shabaab iyo Al-qaacidda”.

Si kasta ha ahaatee ugu dambeyntii Sarkaalka Maraykanka ah wuxuu sheegay inay soo dhawaynayaan hadalka kasoo yeeray dowladda Marayanka  islamarkaana ay gacann wayn ay ka gaysan doonaan sidii nabad loogu soo celin lahaa dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss      Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: