Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegtay inay wadayso wadatashiga ku aadan waqtiga kala guurka.

Halkaan ka akhri

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii socon doonaan tashiyo ku aadan sidii aragti mideysan looga qaadan lahaa ka gudbida Marxalada Kalaguurka ah,  kuwaasi oo ay la yeelanayso xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa qaar ka mid ah Warbaahinta ka howlgesha magaalada Muqdisho u sheegay in Xukuumaddu ay sii wadidoonto wadatiyada Barlamanka si looga baxo Marxaladda kala guurka ah.

Sidoo kale C/raxmaan Yariisoow ayaa wuxuu tilmaamay in Dowladdu ay heysato Kalsoonida Barlamanka iyadoo dowrkeeduna uu yahay Jaangooyada Siyaadda dalka, sidaasi darteed Dowladdu waxay magacawday guddu heer Wasiir ah oo uu hogaaminayo R/wasaare Farmaajo si looga baxo xilliga kala guurka.

Si kasta ha ahaatee arrintan ayaa imaaneysa xilli Golaha Wasiirada ay kulan aan caadi aheyn ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay marxaladda kala guurka ah Ammaanka, iyo arimo kale oo muhiim ah.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: