Dagaal culus oo saakay ka dhacay nawaaxiga degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Halkaan ka akhri

Warar naga soo gaaray magaalada Balad-xaawo ayaa sheegaya in Saakay aroortii uu ka dhacay dagaal xoogan Tuulo-barwaaqo oo 20-KM u jirta degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, kaas  oo u dhaxeeyey Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xaraka Al Shabaab.

Sidoo kale Wararka laga helayo deegaanka Tuulo-barwaaq oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa waxay xaqiijinayaan in dagaalkaas uu ahaa mid labada dhinacba ay ka soo gaareen dhibaata xooggan oo leh dhimasho iyo dhaawacba.

Sida lagu soo warramay in Dagaalka uu bilowday kadib markii ciidamada dowladda  ay weerar ku qaadeen deegaanka Tuulo-barwaaqo oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Al Shabaab.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagaalkan ay soo qaadeen Ciidamada Dowladda ay ku durgeen dhanka degmada Garbahaarey, inkastoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in dagaalkaas ay qaadeen, isla markaana ay guulo ka gaareen, waxaana uu sheegay in ku dhowaad labaatan dagaalyahan ay uga dileen Shabaab dagaalka, qoryo fudud oo ay ku jiraan Ak47 iyo BKM ay ku qabsadeen.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidamada Ahlu Sunna ee gobolka Gedo Sheekh Max’ed Xuseen Al-qaaddi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu guulo ka sheegtay dagaalkii saakay ka dhacay Tuulo-barwaaqo, waxaana uu sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen dagaalyahano gaaraya 20- oo ka tirsan Shabaab.

Afhayeenku wuxuu intaasi ku daray inay ku daba joogaan firxadka Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay, isagoo sheegay inay baacsanayaan Shabaab, waxaana uu shaaca ka qaaday inay jiraan dhaawcyo fud fudud oo soo gaaray ciidamadooda.

Maalmihii u dambeeyay ayaa gobolka Gedo waxaa ka dhacayay dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Ahlu Sunna oo isku dhinac ah iyo  Xarakada Al Shabaab, iyadoo dagaaladaasi ay dhibaato u gaysteen dadkii danta yaraa ee halkaasi horey abaarta ugu haysatay.

Dagaalo culus ayaa saaka waabarigii u hore ka dhacay tuulada Gal barwaaqo oo ka tirsan degmada Garbahaarey, kadib markii weerar ay ku qaadeen Ciidamada Dowladda KMG oo wehliya kuwa Ahlusuna oo ka baxay degmada Beledxaawo.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka dhex maray Xarkada Alshabaab iyo Ciidamada Dowladda kuwa Ahlusuna ayaa muddo saacad iyo bar ka soconayay deegaankaas, iyadoo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in dagaalka oo ay qaadeen Ciidamada Dowladda ay ku durgeen dhanka degmada Garbahaarey, inkastoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan qasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in dagaalkaas ay qaadeen, isla markaana ay guulo ka gaareen, waxaana uu sheegay in ku dhowaad labaatan dagaalyahan ay uga dileen Shabaab dagaalka, qoryo fudud oo ay ku jiraan Ak47 iyo BKM ay ku qabsadeen.

“Nimankii Argagixisada ahaa waxay u carareen dhanka Garbahaarey, hada ciidamadeena ayaa ku daba jira, Tuulada Gal Barwaaqo waxay u jirtaa Garbahaarey ilaa 17-KM”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Dowladda KMG Maxamed Cabdi Kaliil.

Maalmihii u dambeeyay ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabulo ay ka socdeen deegaanada Gobolka Gedo, iyadoo dhowr jeer dagaalo ku dhex mareen dhinacyada isku haya, iyadoo Shabaabka xilligan u muuqdaan kuwo luminaya deegaano badan oo Gedo ka mid ah.

Dagaalka saaka ka dhacay inta u dhaxeysa wadada isku xirta Beledxaawo iyo Garbahaarey ayaa la sheegay in daba joogo weerar gaadmo ah oo shalay galab ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab Kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen Ciidamada dowladda, kuwaas oo ka soo baxday degmada Beledxaawo, kuna sii jeeday deegaano ka tirsan ay ku lahaayeen fariisimo.

SomaliSwiss         Balad-xaawo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: