Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya oo dowlada KMG ah u jeediyay inay la tashato Beesha caalamka.

Halkaan ka akhri

Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya dalka keenya Mr Michael Ranneberger  ayaa  sheegay in loo baahan yahayn in Dowlada KMG Soomaliya  ay Beesha caalamka kala tashato xiliga kala guurka si wax looga gacan siiyo arimaha badan ee la xiriira ka gudubka marxaladda Ku meel gaarka ah.

Sidoo kale Safiirka Mareykanka Mr. Michael Ranneberger oo Shir-jaraaid  ku qabtay Xarunta Safaaradda ayaa la sheegay inuu ka hadalay arimaha Somaaliya gaar ahaan xiliga kala guur Dowlada Soomaliya.

Dhinaca kale Safiirka ayaawuxuu caddeeyey in Dowlada Soomaaliya iyo shacabka Somaaliyeed ay dan ugu jirto in beesha caalamka aysan marnaba garab marin gaar ahaan  kooxda xiriirka caalamiga ah iyo wadamada gobolka inay kala tashato xiliga kala guurka Dowladda, si loo helo fikir mideysan oo wax ka badali kara xaalada wadanka Somaaliya.

Safiirka Mr Michael Ranneberger oo ka hadlaayay shirkii wada tashiga ahaa ee ka dhacay magaalada Nirobi oo ay ku kala qeybsameen madaxda Dowladda ayaa waxa uu sheegay in dhicida Shirkaasi uu ahaa heshiis horay loogu soo gaaray wadanka Jabuuti oo lagu soo dhisay Dowlada heshiiskaasi oo uu tilmaamay inuu ahaa in marka la gaaro xiliga kala guurka la yeesho wada tashi u dhaxeeya Dowlada iyo beesha caalamka.

Kooxdda Al shabaab ayaa waxa uu ku sheegay Mr Michael Ranneberger  in ay Qatar ku yihiin guud ahaan wadamada Reer galbeedka, gaar ahaan dalalka Mareykanka iyo wadamada dariska la ah dalka Somaaliya,sidaasi darteed Safiirku wuxuu tilmaamay in lagama maar maan ay tahay in laga hortago Weerarka xarakada Al-Shabaab ay ku doonayso inay ku waxyeelayso degganaashaha Caalamka.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: